Ra’iisal wasaare Kheyre oo magacaabay tiro Wasiirro ah isaga oo buuxiyay boosaskii bannaanaa
Axad, August, 05, 2018 (HOL)-Ra’iisal wasaaraha
xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre goor dhaw magacaabay tiro wasiiro ah
isaga oo buuxiyay boosaskii horay uga bannaanaa xukuumadda.
Wasiirka Waxbarashada ayaa loo magacaabay
Cabdullaahi Goodax Barre oo badallaya Wasiirkii hore Cabdiraxmaan Daaahir
Cismaan oo todobaad ka hor xilka laga qaaday.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa loo magacaabay
Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen Badni, halka Wasiirkii xilkaasi hayay Sheekh Nuur
Maxamed Xasan ayaa loo magacaabay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.
C/llaahi Bidhaan Warsame Wasiirka Kalluumeysiga
iyo Kheyraadka dalka, iyadoo xilkaas laga qaaday C/raxmaan Cabdi Xaashi
Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Cabduqaadir Sheekh
Baqdaadi, waxaana xilkaa laga qaaday oo horay u hayay Khilaaf Cabduqaadir
Macalin Nuur.
Magacaabistan ayaa imaneysa xili dhawaan ay
xilalka xukuumadda banneeyeen tiro dhowr ah oo Wasiiro ah oo ugu danbeeyay Wasiirkii
Waxbarashada uu xil ka qaadis ku sameeyay ra’iisal wasaaraha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]