4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 5 , 2018
Maamulka gobolka Banaadir oo sheegay in la qabtay horjooge ka tirsan Al-shabaab

 

Axad, August, 05, 2018 (HOL) - Kaddib howlgal ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayeey sheegeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir in lagu soo qabtay sarkaal ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cisimaan Yariisoow ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadu gacanta ku dhigeen horjooge ka tirsan Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanayay sida uu hadalka u dhigay degmada Wadajir.

“Waxaan u mahadcelinayaa Shacabka Degmada Wadajir oo gacan ka geystay in la soo qabto Horjooge ka tirsan argagixisada Alshabaab, kaas oo doonayey in uu ku dhex dhuumaaleysto shacabka.”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Sidoo kale maamulka gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay hub isugu jiray walxaha qarxa iyo bastoolado oo sida ay sheegeen lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay qeybo ka mid ah caasimada,

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in hubkan lala soo qabtay ilaa 6 ruux oo mid ka mid ah haweeney tahay, kuwaa oo lagu wareejiyay xarunta danbi baarista.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]