4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 5 , 2018
Sagaal boqol oo arday oo maanta ka qalinjabiyey Jaamacadda Camuud ee gobolka Awdal


Axad, August, 05, 2018 (HOL) – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qaybgallay Xafladda Qalin-jebinta Dufcaddii 17aad ee ka baxda Jaamacadda Camuud University oo tiradoodu ahayd 900 oo Arday.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Guddida Jaamacadda Camuud, Xaaji Axmed Miisaan Aarre oo ku hadlayey afka guddida ayaa hambalyo u diray dhammaan ardayda qalin-jebisay iyo waalidiintii ku soo tabcay ubaxaasi maanta qalinjebiyey.

Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud University, Prof: Saleebaan Axmed Guuleed oo madasha furay ayaa warbixin guud ka siiyey weftiga madaxweynaha xaaladda jaamacada iyo qaab dhismeedkeedda.

"Ardayda maanta qalinjabinaysaa waxay ku bilaabeen 847arday. mastarta waxa ka qalinjabiyay 102, ardayda Digreeg guna waa 745 arday waxaan ku dhawaaqayaa inay maanta dhamaantood qalin jabiyeen hambalyo, jaamacadu marxalado badan ayay soo martay waananu ku faraxsanahay inuu maanta inala joogo Madaxweyne kasoo baxay jaamacadan camuud" ayuu yidhi guddomiyaha jaamacada Camuud.

Dr. Xuseen Maxamed Muxumed (Xuseen Xoog) oo ka mid ah dhakhaatiirta waaweyn ee Somaliland, isla markaana hore usoo noqday wasiirka Caafimaadka ee Somaliland ayaa ku hadlayey afka Ardayda ka qalin-jebisay Master-ta, waxaanu ardayda qalinjebisay ku booriyay inay tacliinta sii wadaan, islamarkaana si weyn looga wada shaqeeyo tayaynta tacliinta sare ee Somaliland.

Wasiirka Waxbarshada iyo Sayniska Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa hambalyo ballaadhan u diray guud ahaan ardayda sanadkan ka qalinjabinaysa guud ahaan jaamacadaha dalka isagoo wasiirku yididiilo fiican ka muujiyay mustaqbalka wanaagsan ee dalka Somaliland leeyahay, waxaanu wasiirku sheegay in xukuumadu heegan ugu jirto tayaynta tacliinta guud ahaan.

Ugu dambeyn waxa hadalka qaatay madaxweyne Biixi oo hambalyo u direy ardayda maanta qalinjabinaysay, waxaanu sheegay inuu dhigan jiray Camuud iyadoo dugsi ah.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu ka hadlay xaaladda ka taagan dalka Ethiopia, waxana uu soo dhaweeyey afkaarta uu hormoodka ka yahay Ra’isal wasaaraha cusub ee dhawaan dalkaas loo doortay, mudane Abey Ahmed.

“Gobolka Geeska Afrika intii la doortay ra’isal wasaaraha cusub ee Ethiopia waxa uu keenay fikrado aad u wanaagsan oo ah hal la is-kaashado, halla walaaloobo, geeska Afrikana haka baxo dhibaatada, Somaliland horeba taas way ula taagnayd, imikana waanu ku hambalyeynaynaa, laakiin fikir kasta oo wanaagsan waxa ka hor yimaadda carqado, Ilaahayna waxa aanu ka rajaynaynaa carqaladaha ka horyimaadda iyo kuwa jiraba inay ku dhammaadaan si nabadgelyo ah oo xagga wanaagsan loo wada dhaqaaqo.”ayuu yidhi.

Waxaanu intaas ku daray “Dawladda Itoobiya waa dal aynu jaar nahay, jaarkaagana Ilaahay ba kuu dooray oo ma dooran kartid, waxana aynu mar walba u taagannahay inaynu nabadgelyo iyo walaaltinimo loo siman yahay oo midna aanu mid dulmiyin aynu kula noolaanno, wixii dhibaatooyin hor taagan gudahoodana waxaynu u rajaynaynaa inay nabad ugu dhammaato, geeska Arfikana wixii carqalado ka yimaadda in nabad lagu xalliyo oo xagga wanaagsan ee is-kaashiga ah aynu u dhaqaaqno”

Sidoo kale waxa uu dhagax dhigay Biriij u dhexeey Camuud iyo magaaladda, waxanu balanqaaday inuu biriijkaasi dhisi doonno.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.