4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 5 , 2018
Booliiska Rabshadaha ka hortaga oo saakay lagu arkay jidadka magaalada Jigjiga

 

Axad, August, 05, 2018 (HOL)-Wararkii ugu danbeeyay ee xiligan naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in saakay jidadka magaalada soo dhoobteen ciidamo Booliis ah, gaar ahaa kuwa rabshadaha ka hortaga.

Ciidamada oo raxan raxan u socda ayaa gaaf-wareegaya guud ahaanba magaalada, waxaana la sheegay in intooda badan ciidamada-ni yihiin Soomaali.

Shalay waxaa magaalada ka dhacay rabshado xoogan oo ay dhigayeen dad-weyne isku soo baxay oo diidanaa awooda militari ee loo isticmaalay magaalada, taasoo keentay in markii danbe ciidamadi soo galay dib uga gurtaan.

Militariga oo dhinacooda hadlay-na waxaa ay sheegeen in sababta ay gudaha ugu galeen Jigjiga tahay in ay xaqiijiyaan nabad-galyada, wali-na ku taagan yihiin ka hortaga rabshado iyo amaan darro ka dhacda deegaanka.

Rabshadahii shalay dhacay ayaa lagu bililiqaystay tukaamo iyo bangiyo, waxaana dab la qabadsiiyay kaniisado iyo weerar lagu qaaday dadka aan Soomalida ahayn ee halkaasi ku noolaa, halka 10 qof ay ku dhinteen qalalaasahaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]