3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 5 , 2018
Jigjiga oo xalay deganeyd iyo xiisadii oo wali taagan

 

Axad, August, 05, 2018 (HOL) – Magaalada Jigjiga ayaa xalay xasilooneyd, kaddib rabshado shalay ka dhacay magaalada oo ay gudaha u galeen ciidamada dowladda dhexe ee federaalka Itoobiya oo la wareegay shalay inta badan magaalada.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo xalay hadal kooban siiyay warbaahinta deegaanka ayaa ugu baaqay shacabka in ay is dajiyeen isaga oo ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay rabshadaha dhacay.

Muuqaalka uu sii daayay TV-ga dowlad deegaanka Sooomaalida Itoobiya ayaa muujinayay in wali madaxweynuhu ku sugan yahay magaalada Jigjiga oo ay dib uga gurteen ciidamadii dowladda Itoobiya ee maalintii shalay gudaha u galay.

Wariye ku sugan magaalada ayaa sheegay in hadda gabi-ahaanba ciidamadu isaga baxeen goobihii muhiimka ahaa oo ay shalay qabsadeen laakiin wali ku sugan yihiin saldhigyo iyo xarumo dulleedka magaalada ku yaala.

Wali waxaa taagan xiisada u dhaxeysa maamulka dowlad deegaanka Soomaalida iyo dowladda dhexe ee federaalka lamana oga sida saacadaha soo socda wax isku badali karaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/5/2018 2:56 PM EST
Axad, August, 05, 2018 (HOL) – Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xassan Cumar oo war-fidiyeenka kula hadlay goobta uu Qaraxa ka dhacay caawa oo lagu magacaabo Baar Somalia ayaa sheegay in ay ku dhinteen Afar ruux oo mid ka mid ah uu yahay carruur, halka tiro ka badan 7 ruux ay ku dhaawacmeen.

8/5/2018 1:50 PM EST
Axad, August, 05, 2018 (HOL)–Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qaybgallay Xafladda Qalin-jebinta Dufcaddii 17aad ee ka baxda Jaamacadda Camuud University oo tiradoodu ahayd 900 oo Arday.

8/5/2018 1:27 PM EST
Axad, August, 05,2018 (HOL)–Qaraxan oo loo adeegsaday gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa fiidnimadii caawa lagu weeraray goob maxaaqi oo ku taalla Waddada aadka u mashquulka badan Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

8/5/2018 12:32 PM EST
Axad, August, 05, 2018 (HOL)–Qarax weyn oo inta badan laga maqlay degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

8/5/2018 11:01 AM EST
Axad, August, 05, 2018 (HOL)-Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in ciidamada Amniga ay toogteen rag hubeysa oo Baabuurta ka dhex toogta dad aan waxba galabsan.

8/5/2018 8:47 AM EST
Axad, August, 05, 2018 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Afar ruux ku geeriyoodeen tiro kale oo ka badan 10 ruux-na ku dhinteen Qarax ismiidaamin ah oo halkaa ka dhacay.

8/5/2018 6:27 AM EST
Axad, August, 05, 2018 (HOL)-Wararka ka imaanaya magaalada Diri-dhabe ee DDSI ayaa sheegaya in rabshado la mid ah kuwii shalay ka dhacay Jigjiga ay halkaas qarxeen.

8/5/2018 4:29 AM EST
Axad, August, 05, 2018 (HOL)-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre goor dhaw magacaabay tiro wasiiro ah isaga oo buuxiyay boosaskii horay uga bannaanaa xukuumadda.

8/5/2018 3:18 AM EST
Axad, August, 05, 2018 (HOL)- Wararka xiligan Hiiraan Online ka soo gaaraya Isgoyska degmada Hodan ee xaafadda Seybiyaanno ayaa sheegaya in ciidamada nabad-galyada dowladda Soomaaliya toogasho ku dileen rag hubeysan oo la socday gaar yar oo ku raaxda ah.

8/5/2018 1:16 AM EST
Axad, August, 05, 2018 (HOL)-Wararkii ugu danbeeyay ee xiligan naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in saakay jidadka magaalada soo dhoobteen ciidamo Booliis ah, gaar ahaa kuwa rabshadaha ka hortaga.

8/5/2018 12:59 AM EST
Axad, August, 05, 2018 (HOL) - Kaddib howlgal ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayeey sheegeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir in lagu soo qabtay sarkaal ka tirsan Ururka Al-shabaab.

8/5/2018 12:46 AM EST
Axad, August, 05, 2018 (HOL) – Dayaarad nooca drones-ka loo yaqaan ee aan duuliyaha la socon, ayaa weeraray goob uu ka jeedinayay qudbad TV-ga si toos ah looga sii daynayay madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro, gudaha magaalada Caracas Sabtidii, waxana la sheegaya in aysan wax dhaawac ah madaxweynuhu soo gaarin.