4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 4 , 2018
Wararkii ugu danbeeyay ee xaalada magaalada Jigjiga

 

Sabti, August, 04, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaan ugu baaqay in shacab-ku is dajiyaan.

Waxaa uu sidoo kale ka taciyeeyay dadkii ku dhintay rabashadii maanta ka dhacay magaalada Jigjiga oo warar soo baxaya sheegayaan in ugu yaraan Labo ruux ay ku dhinteen, halka tiro kale uu badan oo shacab ah-na ay ku dhaawacmeen iska horimaadyadii dhacay.

Hadalka madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo ahaa mid aad ku koob-naa. Faah faahin dheeraad ah kama uusan bixin sida ay wax u dhaceen iyo sababta keentay in maanta ciidamada dowladda federaalka Itoobiya gudaha u galaan magaalada Jigjiga.

Dhinaca kale wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in goor dhaw oo maanta halkaa tageen wefdi ka socda Fedaraalka ay tageen magaalada.

Wefdiga ayaa sida la sheegay waxaa ay la kulmeen madax ka tirsan dowlad deegaan-ka Soomaalida Itoobiya, laakiin faah faahin dheeraad ah lagama hayo waxa ay ka wada hadleen.

Xaalada magaalada ayaa caawa degan waxaana dib u soo laabtay korontadii iyo biyihii magaalada oo go’ay maanta markii ay rabashaduhu bilaaawdeen.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]