4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 4 , 2018
Wasiir Cawad “ Waa la xaliyay khilaafkii ka dhashay isku-deygii xariga Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda

 

Sabti, August, 04, 2018 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in la xaliyay khilaaf ka dhashay isku-day ciidamo ka tirsan dowladda isku dayeen in ay ku soo xiraan wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Wasiirka ayaa sheegay isaga oo ku sugan Garoowe in ay jirtay in maxkamad amar ku bixisay in la soo xiro wasiir ku-xigeenka, hasse ahaatee qalalaase ka dhashay kaddib arintaa la xaliyay, waxaana uu wasiirku sheegay in arinta uu soo dhax-galay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.

Amarka xariga wasiir ku-xigeenka ayaa la sheegay in uu salka ku hayo khilaaf soo kala-dhaxgalay hanta-dhowrka guud, Wasaaradda maaliyada iyo Wasaarradda arrimaha dibeda oo la xiriira dakhliga soo gala Wasaarrada arrimaha dibeda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]