4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 4 , 2018
Madaxa WHO ee gobolka Sool oo lagu dhaawacay Laascaanood

 

Sabti, August, 04, 2018 (HOL) -Dabley Hubaysan ayaa dhaawac u geystey Madaxa Hay'adda WHO ee gobolka Sool Xaliimo Xassan Bisaas oo haatan lagu daaweynayo Isbitaalka Fayo ee magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool.

Dableydan oo dhaawaca u adeegsatey bastoolad sida ay HOL u sheegeen dad ka ag dhowaa ayaa waxa la sheegayaa in dhawr xabadood ay kaga dhaceen caloosha iyo qaarka sere.

Waxaan taagnaa meel aan ka fogeyn Hotel Warsame markaan maqlay rasaas dhawr xabo ah, hadaan u soo dhaqaaqay dhanka hotelkana waxaan la kulmay meesha oo lagu xoonsan yahay, waxaana lay sheegay in la dhaawacay Xaliimo" sidaa waxaa yiri Maxamed Jaamac oo ka mid ah dhalinta magaalada.

Xiriiro badan oo aan la samaynay ciidamada amaanka iyo maamulka-ba jawaab kamaanaan helin dableyda wax geysatey cida ay yihiin iyo in waxa laga qabtay.

Isbitaalka Fayo ayaa aad u mashquul ah kumanaan dad-weynaha Laascaanood ka mid ah-na waxaa ay buux dhaafiyeen Isbitaalka si ay jawaab uga sugaan natiijada dhakhaatiirta ku hawlan samata-bixinteeda.

Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool