4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 4 , 2018
Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlay amarka ah in la xiro wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibeda

 

Sabti, August, 04, 2018 (HOL)-Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo uu dhinac taagnaa Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn culus dusha uga tuuray Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibeda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in baaritaan ay ku wadeen xafiiska Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibeda Soomaaliya muddo Afar Bilood ah lagu helay Wasiir ku-xigeenka Faldanbiyeedyo kala ah. Ku Xadgudub Xatooyo xoolo dadweyne, Ku Xadguduba awood Xafiiseed, Ku Daneysi shaqsiyadeed xoolo Xafiiseed iyo diidid howl qabasho Xafiis iyo Ku xadgudbid Sharciga Maaliyada ee dalka.

Wuxuu sheegay xeer ilaaliyuhu in wixii hadda ka danbeeya dacwada Wasiir ku-xigeenka loo gudbin doono maxkamadaha awooda sharciga ah u leh in ay qaadaan kiiskan.

Hadalka xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa imanaya xili saacadihii hore ee maanta leysku maandhaafay xariga Wasiir ku-xigeenka kaddib markii ay xarunta Wasaaradda tageen ciidamo watay warqad lagu amrayo in lagu soo xiro wasiirka, hasse ahaatee waxaa taa ka hor yimid ciidamo kale oo ku sugnaa xarunta oo is hor-taagay xariga wasiir ku-xigeenka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]