4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 4 , 2018
Koox hubeysan oo Muqdisho ku dishay Nin Oday ah

 

Sabti, August, 04, 2018 (HOL)-Wararka naga soo gaaaraya degmada Yaashiid ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in rag hubeysan goor dhaw ku dileen agagaarka Hotelka Laf-weyn Nin oday ah oo ka tirsanaa dadka deegaanka.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dhalinyaro bastoolado ku hubeysan toogasho ku dileen Ninka Odayga ah oo magaciisa lagu sheegay Xusseen Hiloowle.

Kooxda dilka geysatay ayaa markiiba goobta ka baxsatay, waxaana tagay oo halkaa baaritaanno ka bilaabay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Maalin ka hor ayeey aheyd markii sidan oo kala meel aan ka fogeyn Isgoyska Banaadir rag hubeysan toogasho ku dileen ganacsade dhalinyaro ahaa oo siweyn looga gaaranayay magaalada Muqdisho kaa oo lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Sh Cali.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]