4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 4 , 2018
Qalalaase ka dhashay ciidamo isku dayay in ay soo xiraan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arimaha dibeda Soomaaliya

 

Sabti, August, 04, 2018 (HOL)-Wararka ay goor dhaw heshay Hiiraan Online ayaa sheegaya in xiisad adag ay ka jirto wasaaradda arrimaha dibeda Soomaaaliya kaddib markii ay halkaa tageen ciidamo doonayay in aysoo xiraan wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibeda Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Ciidamada tagay wasaaradda arrimaha dibeda ayaa la sheegay in wateen warqad waaran ah oo lagu amaray in la soo xiro wasiir ku-xigeenka hasse ahaatee waxaa arintaa ka biyo diiday ciidamo kale oo ku sugnaa Wasaaradda kuwaa la sheegay in ay is hortaag ku sameeyeen ciidamadii kale ee u socday in ay qabtaan Wasiir ku-xigeenka.

Is-mari waaga ayaa la sheegay in lagu war-galiyay Saraakiisha Ciidamada sida Taliyaha Booliska Soomaaliya oo laga sugayo xarunta Wasaaradda, si xaalada u farageliyo.

Wasiir ku-xigeenka ayaa la sheegay in uu gudaha u galay gaari Proof ah isaga oo diiday in uu dhulka u soo dego.

Xiisada ayaa wali halkaa ka jirta Wasaaradda wixii ka soo kordhana waan idin soo gudbin doonaaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]