4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2018
Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida oo Jigjiga lagu soo dhaweeyay

 

Axad, August, 26, 2018 (HOL)- Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaan-ka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamuud Cumar Cagjar ayaa isaga iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo waxaa ay tageen magaalada Jigjiga ee xarunta u ah dowlad deegaan-ka Soomaalida.

Wafdiga waxaa ka mid ah ahaa mas’uuliyiin sar sare oo uu ka mid ahaa wasiirka Isgaarsiinta Itoobiya ahna guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee Ismaamulka Soomaalida Axmed Shide iyo siyaasiyiin uu ka mid ahaa Faarax Macalin.

Boqolaal dad-weyne ah ayaa ku soo dhaweeyay magaalada Jigjiga madaxweynaha cusub iyo wafdiggiisa, isaga oo la dajiyay madaxtooyada magaalada Jigjiga oo wali amnigeeda ay sugayaan ciidamada federaalka Itoobiya.

Madaxweyne Mustafa ayaa lagu wadaa in uu shir guddoomiye kulan loogaga hadlayo mustaqbalka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya kaasoo la filayo in uu dhowaan ka furmo magaalada Jigjiga.

Jabhada ONLF ayaa soo dhaweysay doorashada madaxweyne Mustafe oo ay ku tilmaameen in uu yahay shaqsi leh himilooyin-kii iyo hadafkii uu muddaba u soo dagaalamayay Ururka oo ah in la helo midnimo Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]