4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2018
Wajaale:Gaadiid badan oo laga soo dhacay Itoobiya oo maanta dib loogu celiyey

 

Axad , August, 26, 2018 (HOL) – In ka badan afar iyo toban baabuur oo iskugu jira noocyadda kala duwan ee Gaadiidka oo laga soo dhacay Itoobiya ayaa maanta lagu wareejiyey dawladda Itoobiya.

Gaadiidkan ayaa lala soo baxsaday maalmihii shaqaaqooyinku ka socdeen Jig-jiga, waxaana lala soo gallay gobolada Awdal, Togdheer, Maroodi jeex iyo Gabiley, kuwaas oo badankooda ay dawladdu qabatay,isla markaana ay gacanta ku haysay ilaa inta ay deganaysay Jigjiga.

Xaflada lagu wareejinayey Gaadiidkan la soo dhacay ee lala soo galay gudaha Somaliland waxay ka dhacday magaalo xuduudeedka Togwajaale, waxaana ka soo qaybgalay labadda wakiil ee u kala fadhiya Somaliland iyo Itoobiya.

Maalmihiii qalaalaasuhu ka dhaceen Dawlad deegaanka Soomaalidad Itoobiya ayaa nin waliba wuxuu heli karayey kala baxsaday, iyagoo la gallay xuduuda ay wadaagaan dalalka dariska ah, waxaanay u badan yihiin Gaadiid ay leeyihiin shirkadaha gaarka ah gaar ahaan kuwo Itoobiyaanka kale ee ka ganacsan jirey Jig-jiga.

Dhinaca kale, laba wasiir oo ka tirsana xukuumaddii Cabdi Maxamed Cumar oo kala ahaa wasiirka waxbarashadda Ibraahim Aadan Mahad (Ibraahim-Sacad), iyo wasiirka Cadaaladda Cabdijamaal Axmed Qaloombi, ayaa la siidaayey ka dib markii dadaal dheer loo galay in xoriyadoodda dib loogu celiyo.

Labadan masuul ayaa laga qabtay madaarka Hargeysa, waxaana la sheegay inay ka soo galeen Somaliland dhinaca Baligubadle ee koonfurta gobolka Gobolka Maroodijeex, waxaana lagu eedeeyey inay sharci daro ku soo galeen wadanka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.