4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2018
Waxgaradka degmada Garbahaareey oo kulamo la leh wasiirro ka tirsan Jubbaland oo ku sugan degmadaasi
Axad , August, 26, 2018 (HOL) – Ayadoo dhawaan dibadbaxyo waaweyn oo looga soo horjeeday maamulka degmada Garbahaareey iyo masuuliyiin ka tirsan Jubbaland oo degmadaasi gaaray ayaa waxaa soconaya dadaallo la doonayo in wax looga qabto cabashooyinka shacabka degmadaasi.

Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Jubbaland Mudane Aadan Ibraahim (Awxirsi) oo ku sugan Garbahaareey, dhawaanna ay gurigiisa ku weerareen dad dhigayay dibadbaxyo, kuwaa oo daqar ka gaarsiiyay madaxa ayaa waxa uu sheegay in ay kulamo la qaateen odoyaasha dhaqanka, dhalinyarada, haweenka iyo saraakiisha ciidamada degmadaasi.

Wasiirka waxaa kulamada uu la qaadanayay ururrada bulshada rayidka ah ku wehlinayay wasiir kuxigeenka wasaaradda maaliyadda Jubbaland Mudane Xirsi Jaamac Gaanni.

Wasiir Awxirsi ayaa sheegay in dibadbaxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay degmadaasi ay ahaayeen kuwo kor laga maamulayay, oo uu ku eedeeyay rag uu xusay in ay magacyo waaweyn leeyihiin.

“Dadka magacyada waaweyn leh ee qalalaasaha Garbahaareey sheedda ka boorinaya haysku xishoodeen,” ayuu wasiirku kusoo qoray bartiisa Facebook.

Waxa uu xusay in ay qaadanayaan dhaliilaha loo jeedinayo, diyaarna u yihiin in ay wax ka qabtaan tabashooyinka shacabka.

Qaar kamid ah shacabka Garbahaareey ayaa dhawaan isugu soo baxay wadooyinka magaaladaasi ayagoo dhigayay dibadbaxyo ay uga soo horjeedeen madaxda Jubbaland iyo maamulka degmadaasi.

Hiiraan Online,
News desk