4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2018
Abiy Ahmed : Cabdi Maxamuud Cumar Sharciga ayaa la mari-nayaa

 

Axad , August, 26, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo magaalada Addis Ababa kula kulmay warbaahinta gudaha dalkaasi Itoobiya ayaa soo hadal qaaday waxa laga yeelayo arinta madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxa’uud Cumar hadda ku jira gacanta hay’addaha Amniga.

‘’Arintaa waxaa ay u taallaa laamaha cadaallada waxa laga yeelayo Cabdi Maxamuud Cumar iyo wax ay mudan doonaan mas’uuliyiintii dhibaatada ka geysatay dowlad deegaanka Soomaalida’’ ayuu yiri Abiy Ahmed.

Dhinaca kale, waxaa uu sheegay in ururrada hubeysan ee dalka Itoobiya ee dhawaantan uu u fidiyay gogosha nabadeed laga doonayo in ay hubka iska dhiggaan, taa badalkeedana ku dagaalamaan qalinka iyo fikirkooda.

Su’aal aheyd wax ka jira in uu xannuun la soo darsay xiligii uu booqanayay dalka Mareykanka ayuu si fudud ugu jawaabay Abiy Ahmed’’ " Aniga maba ihii dadka isticmaala dawooyinka mana soo gato dawo, waxaan aaminsanahay jimicsi iyo spoorti"

Jimcihii ayuu ra’iisal wasaaraha Itoobiya kula kulmay magaalada Addis Ababa ergo ka kala soctay dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, isaga oo ugu baaqay nabad iyo in la ilaaliyo degenaashaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]