4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2018
Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo daahfuray Machad Cilmi Baaris ah [Sawirro]


Axad , August, 26, 2018 (HOL) – Machadkan oo lagu magacaabo Hiigsi ayaa waxaa daahfuray dhalinyaro aqoonyahanno Soomaaliyeed ah oo ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, ayadoo machadku daraasaad iyo cilmi baaris uu ku sameyn doono arimaha isbadallada dalka Soomaaliya ka socda, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, siyaasadda, ammaanka iyo arimaha bulshada.

Munaasibadda daahfurka Machadka oo lagu qabtay Hotel Nomad ee magaalada Nairobi ayaa waxaa ka qeyb galay aqoonyahanno, iyo masuuliyiin ka socotay qaar kamid ah ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya.

Aqoonyahannadii qudbadaha ka jeediyay xafladda ayaa soo dhaweeyay hal abuurka dhalinta aqoonyahannada ah, ayagoo sheegay in machadku kusoo beegmay xilli aad loogu baahnaa, bulshada Soomaaliyeedna baahi u qabtay in la helo macaahid cilmi baaris iyo daraasaad ku sameeya xaaladaha dalka.

Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo ugu horreyn munaasibadda ka hadlay ayaa sheegay in xarumaha Machadka Hiigsi (Think Thank Institutions) lamidka ah ay kamid yihiin xarumaha ay ku hormareen wadamada caalamka isagoo tusaale u soo qaatay dalka Mareykanka oo ay ka dhisan yihiin kumanaan xarumaha noocaan ah ee cilmi barista iyo daraasaadka sameeya.

Khadar Maxamuud Xareed oo ah madaxa Machadka Hiigsi kana mid ahaa aas aasayaashii xaruntan ayaa munaasibadda ka sheegay in Machadka Hiigsi uu wax badan bulshada Soomaaliyeed ka caawin doono islamarkaana ay baaritaanno hoose ku sameyn doonaan hadba mowduuca markaasi ay bulshada maanka ku hayaan, wuxuuna sheegay in Machadku uu la fal gali doono xarumaha haatan dalka ka howlgala sida Heritage iyo Hiraal.

Waxa uu xusay in machadku Arrimaha kale ee uu diiradda saari doono ay kamid yihiin, qabashada Madasha Hiigsi oo ahaan doonta kulan cilmiyeed ay todobaadkiiba mar fikrado aqooneed ay isku waydaarsan doonaan aqoonyahannada iyo bulshada Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi, tababarro iyo macluumaad kale oo aqoon xambaarsan.

Dr Ibraahim Faarax Buursaliid oo isna munaasibadda ka hadlay ayaa madasha ka jeediyay qudbad ayaa ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray iyo fursadaha horyaal bulshada Soomaaliyeed.

Gabagabadii xaladda ayaa aqoonyahannadii kazoo qeybgalay waxa ay galeen dood cilmiyeed ku saabsanayd muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay cilmi-baarista, waxaana ka qeybgalay aqoonyahanno ay kamid yihiin Prof. C/wahaab Cabdi Samad, Aqoonyahannada kala ah  Muna Diirshe iyo Xuseen Baaruud Gaaxnuug iyo sidoo kale Wariye Muxyadiin Axmed Rooble.

Machadkan oo xafiisyo ku leh magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa sida ay sheegeen masuuliyiinta machadka, waxa ay bilaabi doonaan cilmi-baaris iyo daraasaad ku saabsan heerka tayada waxbarasho ee dalkeenna.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.