4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2018
Ruushka: Hoggaamiye Mucaarad ah oo la Xirey

 

Axad , August, 26, 2018 (HOL) - Hoggaamiyaha mucaaradka Ruushka Alexei Navalny ayaa lagu xiray magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka.

Xarigiisa ayaa ku soo beegmaya laba bilood ka dib markii xabsi laga sii daayay, waqtigaasi oo lagu eedeeyay in uu abaabulayay bannaabxayo looga soo horjeedo maamulka madaxweyne Putin.

Afhayeen uhadlay hogaamiyaha mucaaradka ruushka ayaa sheegay in aanay caddayn sababta hadda loo xiray, isaga oo intaas ku daray in lagu hayo saldhig uu leeyahay booliska.

Navalny ayaa sabtidii shalay baraha bulshada ku qoray in mudaaharaadka looga soo horjeedo Putin la qaban doono sagaalka bishan September.

VOA