4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 24, 2017
Madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubaarak oo xabsiga laga sii daayay

 Jimco, Maarso, 24, 2017 (HOL) –Madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubaarak ayaa xabsiga laga sii daayay, kaddib markii lagu waayay dacwadihii lagu soo oogay.

Go'aanka sii deyntiisa ayaa yimid kaddib markii maxkamad ay ku weyday dacwado la xiriirinayo dilka tobanaan dibed baxayaal ah oo ka qeyb qaadanayay mudahaaradyadii xukunka looga tuuray sanadkii 2011.

Mubarak oo 88 sano jir ah ayaa lagu waayay dambigii ugu dambeeyay ee lagu soo oogay oo ahaa dil kadib markii hore loogu waayay dambiyo ah musuqmaasuq iyo xasuuq loo geysgey dad banaanbaxayay.

Qareenka Mubarak Farid El Deeb ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in uu haatan ku sugan yahay Mubarak guriga uu ku leeyahay Heliopolis oo ah degmo ku taal meel aan ka fogeyn madaxtooyadii uu muddo soddon sano ah ka maamulayay dalka Masar kadib markii laga saaray isbitaal ay ciidamada Milatariga ku leeyihiin koofurta Qaahira halkaa oo lagu ilaalinayay.

Mubarak ayaa sanadkii 2012kii waxaa lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dil loo geystey dad tiradooda lagu sheeay 239 ruux oo ka mid ah banaanbaxayaal ka soo horjeeday dowladiisa.

Ugu danbeyntii, Mubarak ayaa sanadkii 2012kii waxaa lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dil loo geystey dad tiradooda lagu sheeay 239 ruux oo ka mid ah banaanbaxayaal ka soo horjeeday dowladiisa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]