4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 24, 2017
Doon ay la socdeen tahriibayaal oo ku degtay xeebaha Liibiya

Jimco, Maarso, 24, 2017 (HOL) - Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in ay degtay doon ay la socdeen in ka badan labo boqol oo tariibayaal xeebaha dalka Liibiya, waxaana dadka doonta la socda la sheegay in ay ka mid ahaayeen muhaajiriin ka tagay wadamada bariga Africa.

Ilaa iyo hadda waxaa la helay meydadka shan ruux oo la sheegay ay dul heehaabayeen biyaha badda, walina waxaa socda baadigoobka dadkii kale ee ku dhinta doonta degtay.

Sanadihii ugu danbeeyayba waxaa sii kordhayay dadka ka soo tahriibiiya xeebaha dalka Liibiya oo kuwaa oo doonaya in ay gallaan dalka Talyaaniga.

Hay’ada IOM oo u qaabilsan dadka soo galootiga ah QM ayaa waxaa ay sheegeen in labaatan kun oo tahriibayaal ah ay gaareen dalka Talyaaniga waxaana la sheegay in dad gaaraya 559 tahriibayaal ay dhinteen ama lagu la’ yahay badda.

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegay in wali dhinacooda uusan soo gaarin warka ku saabsa doonta degtay, hasse ahaatee haddii loo baahdo ka qeybqaadanayaan baadigoobka dadka meydkooda la yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]