Hargeysa : Hooyo Fowsiyo Gaabo oo lagu qalay Ilmihii todobaad oo ay dhasho Video
Jimco, Maarso ,24 , 2017 (HOL) –Hooyo
Foosiya Gaabo oo ka mid ah dadka gaagaaban ee ku dhaqan magaaladda Hargeysa
ayaa lagu qallay cisbitaalka Gargaar ee magaaladda Hargeysa.
Foosiya Gaabo waxay caan ka tahay
magaaladda, waxaanay nolol maalmoodkeedda ka samaysta dadweynaha magaaladda oo
caawiya,isla markaana nin waliba waxa uu hayo uu siiyo.
Hooyo Foosiya Gaabo waa ilmihii
todobaad ee lagu qalo,iyadoo ay adag tahay in ay si caadi ah u dhasho, waxaana
dadweynaha aad uga naxaan markay arkaan iyadoo Uur leh oo caruurtii kalana
garab socdaan si ay dadkaasi suuqa jooga ilaahay wax ugu soo dhiibo.
Dhakhtarka cisbitaalka Gargar Dr.
Cabdiraxmaan Cali Mahdi (Aw Koombe) oo isagu si mutadawacnimo ah u fuliyey
dhammaan qalliinnada Foosiya Gaabo ku dhashay carruurta, ayaa mar kale ku guulaystay
qalliinka ilmahan toddobaad ee hooyadan danyarta ah ay dhasho.
Dr. Aw Koombe oo qalliinka hooyo
Foosiya Gaabo uga warramay weriyayaal ku booqday cusbitaalka Gargaar, ayaa
sheegay in xaaladdeeda caafimaad wanaagsan tahay, isla markaana ay ka soo
kabanayso qalliinkaasi.
“Caawa waxaannu qalliinkii toddobaad u samaynay
Foosiya Gaabo oo caan ka ah magaaladan Hargeysa, waana hooyo danyar ah oo
dayacan, annagu haddaanu nahay cusbitaalka Gargaar waxaannu samaynaa in aannu
qaabilno qalliinkeeda, dawadeeda iyo jiifkeedaba, caafimaadkeeduna aad buu u
fiican yahay iyada ilmaha yarba, halkan hadda waxaa la jooga dhammaan toddobada
carruurta ah ee ay dhashay,” ayuu yidhi Dr. Cabdiraxmaan Aw Koobme.
Dr. Cabdiraxmaan Cali Mahdi waxa
uu bulshada afka Soomaaliga ku hadasha dibad iyo gudaba ugu baaqay inay soo
caawiyaan hooyo Foosiya Gaabo oo ah danyar aan waxba haysan, waxaannu yidhi,
“Waxaannu ugu baaqaynaa dadka Soomaalida ah inay soo caawiyaan Foosiya Gaabo
iyagoo ugu soo hagaajinaya lambarrada akoonadeeda, waana sababta aannu ugu soo
bandhigayno warbaahinta si dadweynuhu uga qaybqaataan mucaawanada ay u baahan
tahay hooyadan iyo carruurteedaba.”
Walaalaha Muslimiinta Ahow
Caawinaya Walaasheen Foosiya...Haddaba, waxa laga codsanayaa dadweynaha
muxsiniinta ah in wixii ay awooddaan ay ugu soo hagaajiyaan hooyo Foosiyo Gaabo
hab-xisaabeed uga furan shirkadda Dahabshiil oo lambarkiisu yahay: DH 141950,
iyadoo sidoo kalena ay kala xidhiidhi karaan haweenaydan telefannkeeda gacanta
oo ah Telesom: 0633553860.......
Hooyo Foosiya Muuse Xasan
(Foosiya Gaabo) oo ah gabadh ka mid ah dadka ugu gaagaaban Somaliland oo ah
danyar ku nool dawirsiga suuqyada Hargeysa iyo kolba wixii taakulo ay ka hesho
shacabka, ayaa lagu qalay ilmihii toddobaad ee ay dhasho.
Haddaba, waxa laga codsanayaa
dadweynaha muxsiniinta ah in wixii ay awooddaan ay ugu soo hagaajiyaan hooyo
Foosiyo Gaabo hab-xisaabeed uga furan shirkadda Dahabshiil oo lambarkiisu
yahay: DH 141950, iyadoo sidoo kalena ay kala xidhiidhi karaan haweenaydan
telefannkeeda gacanta oo ah Telesom: 0633553860.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan
Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.