4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 24, 2017
Mooshinkii ka dhanka ahaa madaxweynaha K/galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo laga laabtay

Jimco, Maarso, 24, 2017 (HOL) - Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka K/galbeed ee wadday mooshikii ka dhanka ahaa madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ay dib uga laabteen mooshinka.

Xildhibaan Cabdikariin Maxamed Iftin oo ka mid ahaa xildhibaannadii sida wey ugu olaleynayay mooshinka iyo meelmarintiisa oo warbaahinta kula hadlayay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ayaa sheegay in mooshinka u joojiyeen sida uu hadalka u dhigay daruufaha adag ee dalka soo food saaray iyo xaalada abaarta ka jirta deegaannada maamulka Koonfur galbeed oo u baahan ayuu yiri in si wada jir ah loogu gurmado.’’’

“” Shariif Xassan Sheekh Aadan waxaan isla garanay in si hufan bulshada loogu shaqeeyo, sidaa daraadeed saacadan laga bilaabo ma jiro mooshin ka dhan ah madaxweynaha oo hor yaala baarlamaanka’’ ayuu yiri xildhibaanka.

Dhinaca kale, madaxweynaha maamulka Koofurta galbeed ayaa uga mahad celiyay xildhibaannada in dib uga laabashada mooshinkii isaga ka dhanka ahaa, waxaana uu ku baaqay in si wada jir ah looga shaqeeyo caawinta dadka dhibaateysan ee u baahan in la gargaaro.

Ugu danbeyntii, xidlhibaannada maamulka Koonfur galbeed ayaan muddo dheer wax shir ah yeelan, hasse ahaatee guddoomiyaha baarlamaanka maamulka ayaa ku sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo furayo kalfadhiyadii baarlamaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]