Jimco, Maarso, 24, 2017 (HOL) - Madaxweynayaasha dowladda Soomaaliya iyo
Kenya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo ku kulmay magaalada
Nairobi ayaa wacad ku maray in ay xoojinayaan dagaalka ka dhanka ah ururka
Al-shabaab.
Kaddib kulankooda ayeey labada madaxweyne isku raaceen iskaashi laga yeesho dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo khatar ku ah amniga labada dowladood sida ay ka sheegeen shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen labada madaxweyne.
‘’Al-shabaab wali waxaa ay ku howlan yihiin in ay dilaan dadka aan waxba galabsan ee labada dowladood Kenya iyo Soomaaliya’ ayuu yiri madaxweyne Uhuru Kenyatta oo warbaahinta la hadlay.
Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa Africa AMISOM ayaa dagaal kula jira kooxda Al-shabaab tan sanadkii 2011kii oo ay ka soo gudbeen xuduuda iyaga oo ka jawaabayay afduubka ajaanibta iyo weeraro Al-shabaab ay ka geysanayeen qeybo ka mid ah ciida Kenya.
Ugu danbeyntii, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhinaciisa ku amaanay Kenya doorka ay ka qaadaneyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, madaama ay qeyb ka tahay howlgalka midowga Africa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]