4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 24, 2017
Faafaahin: Qarax ka dhacay irida maqaayad mashquul badan oo ku taalla Muqdishu

 

Jimco, Maarso, 24, 2017 (HOL) -Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhaawacmay, kadib markii qarax ku xirnaa gaari uu ku qarxay banaanka hore ee maqaayada Banooda oo u dhaxeysa Taalada Xaawa Taako iyo Daljirka Daahsoon.

Maqaayada Banooda, waxaa ay sidoo kale u dhowdahay Hoteelada Naasa Hablood iyo Centraal.

Dad goob-joogayaal ah ayaa Hiiraan Online u sheegay, in Qaraxa uu ahaa mid xoogan, lagana maqlay nawaaxiga goobta uu ka dhacay.

Gawaarida dab damiska iyo kuwa  gurmadka deg-dega ayaa goobta soo gaaray, qaraxa kadib.

Sanadkii hore, Qaraxa gaari loo adeegsaday ayaa ka dhacay isla banaanka hore ee maqaayada Banadooda.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada Qaraxa.

Laba maalin ka hor isla Qarax gaari loo adeegsaday ayaa waxaa uu ka dhacay difaaca ay ciidamadda Ammaanka dowladda ay ku leeyihiin Xarunta Golaha Murtida Iyo Madadaalada National Theater magaaladda Muqdisho, oo aad ugu dhow maqaayada Banadooda, waxaana Qaraxaasi ku geeryooday ugu yaraan daraasiin ruux.

Waa Qaraxii labaad ee maanta ka dhacay magaaladda Muqdishu, Qaraxii hore waxaa uu ka dhacay xaafadda Seeybiyaano ee degmadda Hodan ee Magaaladda Muqdishu.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia