Khamiis, June, 22, 2017 (HOL) –Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedka Jubaland Sheekh Max'ed Max'uud Awlibaax ayaa goordhow Isbitalka Digfeer ee haatan loo yaqaan Isbitalka Recep Tayyeb Erdogan ee magaalada Muqdisho ugu geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa sababsaday dhaawac ka gaaray madaxa, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen madaxda dowlad goboleedka Jubaland.
Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubaland Max'uud Sayid Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wasirku geeriyooday, isagoo tacsi u diray dhammaan dadkii u ka baxay, sheegayna in ay aad uga xanuunsanayaan geerida wasiirka.
Waxa uu sheegay in loo baahanyahay in hal meel looga soo jeesto kooxaha geeysanaya qaraxyada.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo - Somalia
Wasiirkii Dhalinyarada iyo cayaaraha Jubaland oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qaraxii maanta
More News
- Wasiir ka tirsan Jubaland oo ku dhaawacmay Qaraxii Muqdisho
- Sagaal ruux oo ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho Sawirro
- Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo gudaha u gallay Kenya
- Wasiirka arimaha gudaha DF Soomaaliya oo gaaray Gaalkacyo
- Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galaya shir looga hadli doono arrimaha Qaxootiga oo ka furmaya dalka Uganda
- RW Khayre oo ka qeyb-galay kulankii guddoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir
- Faafaahin: Nin oday ah oo xalay lagu dilay degmada Qoryooley
- 5,000 oo qof oo ka qeyb-galay aaskii Nabra Hassanen
- 100 qof oo lagu dilay dagaallo diimeedyo ka dhacay Afrikada Dhexe