4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 22, 2017
Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo gudaha u gallay Kenya

 

Khamiis, June, 22, 2017 (HOL) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay gudaha dalkeeda u tallaabeen dagaalyahano hubaysan oo  ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Booliska dalka Kenya ayaa ku waramay in ilaa 30 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab oo si aad ah u hubaysan ay ka tallaabeen xadka ay wadaagaan wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Laamaha amniga dalka Kenya ayaa digniin u diray goobaha ay dadweynaha ku kulmaan oo ay ka mid yihiin, kaniisadaha,waxaana ay sheegeen in dagaalyahanadan ka tirsan Al-shababaab oo ku hubaysan hubka culus iyo midka fudud in ay qorsheynayaan weeraro ay ka geystaan maalmaha Ciida.

Saraakiisha dowladda Kenya ayaa sidoo kale sheegay in ay bilaabeen hawlgallo looga baadi goobayo Al-shabaab gudaha dalka Kenya.

Dowladda Kenya oo Soomaaliya ay ka joogaan ciidamo qeyb ka ah hawlgalka AMISOM  ayaa waxaa ay dagaal adag kula jirtaa Ururka Al-shabaab oo dalkaasi marar badan oo hore ka fuliyay weeraro dad badan lagu dilay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]