4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 22, 2017
5,000 oo qof oo ka qeyb-galay aaskii Nabra Hassanen

 
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL)– 5,000 “Shan kun” oo qof ayaa Arbacadii shalay ka qeyb-gashay aaskii Nabra Hassanen oo aheyd gabar 17-jir ah oo dhawaan lagu dilay gobolka Virginia ee dalka Maraykanka.

Nabra, ayaa la afduubtay kadibna meydkeeda laga helay gobolka 17-kii bishan June, waxaana dhacdadaasi la sheegay in ay la xiriirto naceybka loo qabo bulshada Muslimiinta ee ku nool dalkaasi Maraykanka.

Gabadha Muslimada aheyd ayaa si darran loo garaacay waxaana la aaminsanyahay in garaacidaasi ay u geeryootay.

“Nabra waxaa ay lugeyneysay dhabarka dambe ee xaruunta ADMS, gaar ahaan Masjidka meel aan ka fogeyn, waxaana ay la socotay saaxiibadeeda, musiibadana halkaasi ayeey ku qabsatay, waxaana la sheegay in uu nin afduubtay kadibna wuu garaacay, waxaana meydkeeda uu uga tagay goobta”, qof saaxiib la ahaa Nabra ayaa sidaasi yiri.

Meydka gabadha ayaa looga tegay nawaaxiga  Masjid ku yaalla Sterling. Ciidamada Booliska ayaa hadda waxaa ay gacanta ku hayaan nin 22-jir ah oo lagu magacaabo Darwin Martinez Torres, kaas oo lala xiriiriyay dilka gadhaasi.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia