Khamiis, June, 22, 2017 (HOL) – Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo
dib-u-heshiisiinta dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa gaaray
magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Wasiirka ayaa kulamo la leh waxgaradka Gaalkacyo iyo mas’uuliyiinta labada
dhinac, isagoo kala hadlaya sidii loo xoojin lahaa heshiiska nabadeed ee
maalintii Talaadadii ay wada gaareen labada maamul ee Puntland iyo Galmudug
Wasiir Juxa ayaa xalay ka qeyb galay kulan afur ah oo ay u sameeyeen
waxgaradka magaalada ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay muhiim u tahay in
xal nabadeed oo wadajir ah laga gaaro colaada Gaalkacyo.
“Gaalkacyo oo muddo dheer magaalo colaadeed aheyd, waxaa ay noqon kartaa
meesha Soomaaliya nabada looga soo dabaali karo, waxaa qabaa in la raadiyo
Gaalkacyo cusub, iyo Mudug cusub oo nabad lagu wada noolaado”ayuu yiri wasiirka
arrimaha gudaha.
Waxaa uu sheegay in reer Gaalkacyo looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan
nabadgelyada iyo wadajirka, si loo soo afjaro colaadihii afartanka sano ee ka
jirtay magaalada, si ay magaalada Gaalkacyo tusaale ugu noqoto dalka oo dhan.
Socdaalka wasiirka Arrimaha Gudaha uu ku tagay Gaalkacyo ayaa ah kii u
horeeyay ee uu ku tago. iyadoo maalin ka hor lagu soo gaba gabeeyay wada hadal
u socday Wasiiro ka tirsan Galmudug iyo Puntland, kaasoo heshiis nabadeed lagu
gaaray.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]