4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 22, 2017
Faafaahin: Nin oday ah oo xalay lagu dilay degmada Qoryooley

 
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL)– Koox hubeysan ayaa xalay degmadda Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay nin Oday ah oo lagu magacaabi jiray Sheekh Ibraahim Kaba-cadde.

Kooxdii dilka geysatay ayaa ka baxsaday goobta ka hor inta aysan ciidamada degaanka soo gaarin, sida goobjoogaal ah ay u sheegeen Hiiraan Online.

“Ma garaneyno sababtii loo dilay Sheekh Ibraahim, kuma uusan lug laheyn wax siyaasad ah”, mid kamid ah ehelada marxuumka ayaa sidaasi Hiiraan Online u sheegtay.

Dhinaca kale ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka marxuumka. sidoo kale Xaaladda degmadda ayaa maanta degan kadib dilkii xalay.

18-kii bishan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa dagaal xooggan ku dhexmaray degmada Qoryooley ee Shabellaha Hoose.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisin ciidanka dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia