3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 22, 2017
RW Khayre oo ka qeyb-galay kulankii guddoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir

 

Khamiis, June, 22, 2017 (HOL)– Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shalay ka qeyb galey kulan Todobaad la ah oo ay iskugu yimaadaan gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir kaasoo looga hadlayey xaalada magaalada Muqdisho. Waxaana kulankan shir gudoominayey gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo lagu marti qaadey kulanka ayaa madaxda gobolka Banaadir ka dhagaystey qorshayaal la doonayo in lagu hormarinya magaalada Muqdisho si ay ula jaan qaado caasumadaha caalamka sidoo kalena intii uu socdey shirku waxaa lagu falanqeeyey xaalada amaan ee gobolka iyo sidii loo sugey amnaanka caasumada bisha Ramadaan.

Ra’iisul Wasaaraha oo la dar daarmey maamulka gobolka Benaadir ayaa yiri” waxaan soo jeedinayaa iney si dhow u wada shaqeeyaan ciidanka xasilinta amaanka Muqdisho iyo gudoomiyayaasha gobolka Benadir si loola socdo dhaq-dhaqaaqa kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab maadaama ey shacabka Soomaaliyeed u diyaar garoobayaan farxada maalinta ciida.

“Waxaan aad uga murugeesanahey qarixii shaley ka dhacey degmada Wadajir ee gobolka Benaadir kaasoo lagu dhibaateeyey hooyooyin iyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo u shaqeenayey dalkooda,waxaana Rabi uga baryayaa inuu dambigooda dhaafo maadaama ay shahiideen 10-kii dambe ee bisha Ramadaan balse Mas’uulayadiisa waxaa qaadanaya madaxda wadanka oo aan ugu horeeno anaga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxuu maalmihii ugu dambeeyey wadey kulamo gaar gaara oo uu la yeelanayo laamaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir isagoona kala xaajoonaya sidii loo sii xoojin lahaa xasilinta amaanka Muqdisho.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia













Click here
6/22/2017 2:42 PM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL) –Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedka Jubaland Sheekh Max'ed Max'uud Awlibaax ayaa goordhow Isbitalka Digfeer ee haatan loo yaqaan Isbitalka Recep Tayyeb Erdogan ee magaalada Muqdisho ugu geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho.

6/22/2017 10:45 AM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL) –Qarax Ismiidaamin ah oo maanta lala eegay Saldhigga degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho islamarkaana ay ku dhinteen......

6/22/2017 8:02 AM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL) – Warar hordhac ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo goor dhaw lagu weeraray saldhiga degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

6/22/2017 7:51 AM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay gudaha dalkeeda u tallaabeen dagaalyahano hubaysan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

6/22/2017 4:41 AM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL) – Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

6/22/2017 12:49 AM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mundane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa shalay gaaray magaalladda Kampala ee caasimada dalka Uganda.

6/22/2017 12:39 AM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL)– Koox hubeysan ayaa xalay degmadda Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay nin Oday ah oo lagu magacaabi jiray Sheekh Ibraahim Kaba-cadde.

6/22/2017 12:30 AM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL)– 5,000 “Shan kun” oo qof ayaa Arbacadii shalay ka qeyb-gashay aaskii Nabra Hassanen oo aheyd gabar 17-jir ah oo dhawaan lagu dilay gobolka Virginia ee dalka Maraykanka.

6/22/2017 12:20 AM EST
Khamiis, June, 22, 2017 (HOL)–Ugu yaraan 100 qof ayaa lagu dilay dagaallo diimeedyo ka dhacay magaalladda Bria oo ku taalla bariga dalka Afrikada Dhexe.