Nin dilay xaaskiisii hore kadibna isaga is dilay magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Africa


Axad,  Janaayo, 01, 2017 (HOL) -  Gabar  Soomaliyeed oo magaceeda lagu soo gaabiyay Deeqo Yariisey, ayaa lagu waramayaa in uu  dilay nin horay u qabi jiray oo ilmo yar ay u heysay, waxaana la sheegay in dilka gabadha kadib isagana uu is dilay.

Lama oga ilaa iyo sababta rasmiga ah ee ka danbeysa in ninkan uu dilo gabadha oo waliba la sheegay in ay xaaskiisii hore aheyd ilo yarna u heysay.

Waxaa la sheegay in uu madaxa iska toogtay kadib markii uu ka war helay in loo gacan galinayo booliiska dalka Koonfur Africa, gaar ahaan magaalada uu falka ka dhacay.

Ugu danbenyntii, Inkastoo dalka Koonfur Africa dilalka muwaadiniinta Soomaaliyeed ku badnaayeen, ayaa hadana dhacdadan waxaa ay noqotay mid ay siweyn uga naxeen Soomaalida ku dhaqan dalkaas, gaar ahaan magaalada Pretoria, madaama ay dhif naadir tahay in qof Soomaali ah uu dilo qof kale kadibna nafta is dhaafiyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]