Axad, Janaayo, -01,
2017 (HOL) – Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo horay u soo noqotay ra’iiasal
wasaare ku-xigeen iyo wasiirka arimaha dibada Soomaaliya, ayaa maanta ku soo
baxday doorashada xubnaha aqalka hoose ee gobollada W/qooyi oo lagu qabtay
magaalada Muqdisho.
Waxaa natiijada doorashada ku dhawaaqay guddiga heer dowlad gobolleed oo sheegay in Fowsiyo Yuusuf, heshay codadkii la dhiibtay 45 cod.
Waxaa siddoo kale xubnaha maanta ku soo baxay kuraasta aqalka hoose ee gobolka W/qooyi ka mid ah Muuse Ismaaciil, oo helay 48 cod.
Ugu danbeyntii, doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee matalaya gobolada waqooyi ayaa maraysa heer gabogabo ah..
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]