Kor ka Daawo Sawirrada warbixinta dhacdooyinkii ugu waaweynaa sanadkii tagay gobolka Hiiraan
--------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Axad, Janaayo, 01, 2017 (HOL) -Gobolka Hiiraan sanadkii tagay 2016-ka waxaa uu ahaa sanad ku asteysay dhacdooyin siyaasadeed, weerarro iyo masiibooyin dabiici oo dhamaantood marka la eego saameyntooda lahaa.
03dii bishii Janaayo, sanadkii 2016ka, Waxaa magaalada Beledweyne si lama filaan ah ugu geeriyooday Ugaas C/raxmaan Ugaas Ugaas Khaliif, kadib xanuun dhinaca wadnaha ah oo la soo darsay xili uu ku sugnaa shirka Samadoon II oo waqtigaa looga hadlayay Aayaha iyo Mustaqbalka gobolka Hiiraan.
18kii bishii Feberaayo, sanadkii 2016ka, Waxaa magaalada Beledweyne kulan xasaasi ah ku yeeshay madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, kulankaa oo ugu danbeyntii guul-daro ku soo dhamaaday, kaddib markii Ugaaska uu sharuud ku xiray dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe.
22kii bishii Maarso, sanadkii 2016ka, Waxaa magaalada Beledweyne socdaal ku mid ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke, waxaana ujeedada socdaalka ra’iisal wasaaraha lagu micneeyay xal u helida khilaafkii waqtigaa ka taagnaa dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe.
25kii bishii Maarso, sanadkii 2016ka, Waxaa mar kale yimid magaalada oo ku soo laabtay madaxweyne Xassan Sheekh oo wada hadal dheer kadib ku guuleystay in qaar ka mid ah duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan uu ku qanciyo ka qeyb-galka shirkii Jowhar.
24kii, bishii May, sanadkii 2016ka, Wabiga Shabeelle, ayaa sameeyay fatahaadii ugu cusleyd taariikhada inta la xasuusto, iyadoo dhamaanba magaalada ay maasheeyeen biyo ka soo rogmaday wabiga oo sababay in ay barakacaan kumanaan qoysas ah.09kii, bishii Juun, sanadkii 2016ka, Xoogagga Al-shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada Itoobiya ku lahaayeen deegaanka Halgan, waxaan dagaalkaa ku dhintay tiro ka badan 200 oo ruux oo isugu jiray dhicyadii iska horimaadku dhaxmaray.
12kii bishii July, sanadkii 2016ka, Waxaa magaalada Beledweyne soo gaaray wafdi sare oo ka socday urur gobolleedka IGAD oo kulamo fashil ku dhamaaday la yeeshay duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan,
25kii July, sanadkii
2016ka, Munasabad ay ka soo qeyb-galeen boqolaal wufuud ah oo isaga kala
timid dalka gudihiisa iyo dibadiisa waxaa lagu caleemo saaray Ugaas Xassan
Ugaas Khaliif, oo ka mid ah duubabka dhaqanka ugu waaweyn Soomaaliya.
16kii, September, sanadkii 2016ka, Waxaa magaalada Beledweyne soo gaaray siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ay ka wada hadleen geedi socodka siyaasada Soomaaliya.
02dii bishii October, sanadkii 2016ka, Waxaa safar ku yimid magaalada Beledweyne ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya Max’ed Cumar Carte oo la shiray maamulka gobolka iyo qeybaha bulshada.
10kii, bisii October, sanadkii 2016ka, Waxaa magaalada Beledweyne lagu ansixiyay dastuur uu yeelanayo maamulka lagu magacaabo Hiiraan State oo waqtigaa duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan uga dhawaaqeen dhismiisa magaalada Beledweyne.
12kii, October, ee sanadkii 2016ka, Xoogagga Al-shabaab ayaa deegaanka CeelCali ee gobolka Hiiraan ku gowracay dad rayid ah oo isugu jiray odayaal iyo ganacsato kadib markii ay halkaa isaga baxeen ciidamada dowladda.
17kii October, sanadkii 2016ka, Waxaa loo doortay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ee labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe Cali C/llaahi Cosoble.
25kii October, ee sanadki 2016ka, Weerar Ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday xerada Jabuuti xaafada Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne, waxaana weerarkaa ku dhintay labo askari oo ka tirsanaa ciidammada Jabuuti iyo dad shacab ah.
26kii, October, ee sanadkii 2016ka, Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, waxaana xilkaa loo soo magacaabay Cali Jeynte Cismaan oo hadda ah guddoomiyaha gobolka.
Ugu danbeyntii, Sanadkii tagay marka laga soo tago dhacdooyinkaa waaweyn ee aan kor ku soo xusnay, sidoo kale waxaa jiray dilal kala duwan iyo dagaalo marar badan ku soo noq noqday gobolka, kuwaa ugu danbeyntii hishiis laga gaaray
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]











