Dib u Milicso Qaar kamid ah Dhacdooyinkii ugu waa weynaa Sanadkii 2016-ka oo aan idiin soo koobnay

Year in Review: Top stories of 2016, as chosen by you

Axad, Janaayo, 01, 2017 (HOL) –Maanta caalamka oo dhan waxaa u bilowday sanad cusub ,waxaana jiri doona waxyaabo lagu xasuusan doono sanadkii tagay oo isugu jira dhacdooyin kala duwan oo ka dhacay daafaha dunida ,kuwaasi oo ay ku jiraan dilal dhacay ,Heshiisyo la gaaray , wadamo xiriirkoodu xumaaday, inqilibaayo fashilmay, iyo qaar kale o badan waxaana ka xusi karnaa.

Bishii January ee sanadkii tagay madaxweynaha dowladda Somalia Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xariga ka jaray garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso ,kaasi oo ay maal-galisay dowladda Talyaaniga ,isla markaana dhismihisa ay lahayd dowladda Shiinaha.

Waxaa sidoo kale isla bishaas dhacay Heshiis taariikhi ah oo dhex-maray dowladaha waa weyn ee dunida iyo waliba Iran ,kaasi oo dowladda Iran looga dul-qaaday cuna-qabatayn saarnayd muddo sanado ah ka dib markii Heshiis laga gaaray in Iran ay hakiso Barnaamijkeeda Nukliyeerka ,taa badalkeed-na loo furi doono ilaha dhaqale ee laga xanibay.

Kooxda Al-shabaab ayaa iyana so bandhigtay sawirada weerar ay ku qaadeen xero milatari oo ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde oo ka tirsan gobolka Gedo ,waxaana Al-shabaab ay sheegtay in weerarkaas ay ku dishay 100 ka tirsan askarta Kenya ee qayb-ta ka ah howl-galka Midowga AFrika.

Bishii Febraayo ee 2016-ka waxaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya lagu xiray ra’iisul-wasaraha Somalia Cumar C/rashiid ka dib markii la sheegay in uu jabiyay sharciga soo galid-da garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta xilli la sugayay in u magaalada Nairobi kaga qayb-galo shir muhiim ah.

Dhacdooyinka kale ee laga xusi karo bishii labaad ee sanadkii tagay waxaa kamid ah qaraxii lagu xiray diyaarad-da Daallo Airline ,kaasi oo diyaarad-da khasab kaga dhigay in ay dib ugu soo dagto garoonka waxyar ka dib markii ay duushay ,iyadoo qaraxaas uu ahaa mid loo adeegsaday computurka nooca lo yaqaan laptop-ka.

Bishii Maarso ,waxaa xadka Somalia u soo gubday Morgan oo ah Maroodi lab ah ,kaasi oo asal ahaan ka soo jeeday Somalia ,balse markii ay dagaaladu dhaceen u qaxay dhanka wabiga Tana River oo ku yaala dalka Kenya oo ay Somalia xad wadaag yihin.

Isla bishaas waxaa maxkamad ku taala dalka Biljim ay 20-sano oo xarig ah ku xukuntay Maxamed Cabdi Xasan Afweyne oo hogaminayay koox burcad ah oo afduubatay markab laga leeyahay dalka Bilijim sanadkii 2009-ka. Markabka waxaa lagu magacaabi jiray Pompei.

Waxaa sdioo kale bishaas dhacay weerarkii ugu dhimashada badnaa o dhanka cirka ah ,kaasi oo Maraynkanku la beegsado kooxda Al-shabaab oo ka dagaalanta geeska AFrika. Afhayeenka Bantigonka Captain Jeff Devis ayaa sheegay in weerarkan uu ka dhacay xero ay Al-shabaab ku lahayd halka lagu magacaabo Raaso oo 120 mayl ka xigta dhanka waqooyiga magaalada Muqdisho.

Bishii Afaraad ama April ,waxaa muhaajiriin gaaraya 400 qof oo u badan Afrikaan ay dooni kula dagtay bad-da u dhaxeysa Libya iyo Talyaaniga xili ay doon ka soo raaceen wadanka Masar . Muhaajirinta lagu waayay Masiibadaas ayaa kala soo kala jeeday wadamada Somalia ,Itoobiya iyo waliba Ereteria.

Waxaa isla bishaas magaalada Muqdisho toogasho lagu Fuliyay Xasan Xanafi oo kamid ahaa kooxda Al-shabaab ,kaasi oo lagu soo eedeeyay in uu ku lug lahaa dilka shan wariye oo Muqdisho lagu dilay ,waxaana dilkiisi fuliyay askar ka tirsan ciidanka dowladda.

Bishii Shanaad: waxaa markii afaraad xilka madaxtinimada dalka Jabuuti loo dhaariyay Ismaacil Cumar Geelle oo kamid ah madaxweynayaasha ugu xukunka dheer qaarad-da Afrika ka dib doorasho uu ku guulaystay oo dalkaas ka dhacday.

Bishii lixaad ee sanadkii tagay ,waxaa geeriyooday Maxamed Cali Clay oo ahaa feer-yahan si weyn loogu tix-galiyo guulihiisa dhanka feerka ,waxaana aaskiisa oo ka dhacay Maraykanka ka qayb-galay madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo waliba Boqorka Jordan iyo mas’uuliyiin kale oo fara badan. Clay waxaa u ahaa 74-jir ka cabanayay xanuunka qalalka oo ka haleelay qaybo badan oo kamid ah jirkiisa.

Isla Bishaas madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan ayaa xariga ka jaray garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ,kaasi oo dib u dhis lagu sameeyay ka dib booqasho saacado qaadatay oo uu ku yimid magaalada Muqdisho.

Dhacdooyinka kale ee dhacay bishaas waxaa kamid ah in boqortooyada Ingiriiska ay gabi-ahaanba isaga baxday Midowga Yurub ,taasi oo horsed-day in uu is-casilo ra’iisul-wasaarihii xiligaas David Cameroon ,kaasi oo sheegay in siyaasad-da cusub ee dalkiisa uusan isagu hogaamin Karin.

Bishii todobaad /july ,waxaa magaalada Baladweyne lagu caleema saaray Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ah ugaaska Beesha Xawaadle ,waxaana calaama saarkiisa ka soo qayb-galay inta badan waxgaradka Somaliya iyo siyaasiyiin ay ku jiraan ajnabi.
Xulka kubadda cagta maamulka Puntland ayaa bishaas ku guulaystay koob loo dhigay maamul goboleed-yada oo ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ciyaartii Finalka ay ka badiyeen xulka kubadda cagta Jubbaland.

Waxaa si weyn loogu xasuustaa July inqilaabkii dhicisoobay ee lagu doonayay in lagu rido madaxweynaha Turkiga Receb Erdogan ,iyada oo koox ka tirsan milatariga Turkiga oo amar ka helayay wadaad dagan Maraykanka ay si rasmi ah ula wareegeen goobo muhiim ah oo ku yaala dalkaas ,waxaana inqilaabkii Fishiliyay dadweyne caraysan oo ka soo horjeeday in la rido madaxweynaha.

Bishii Septembar/sagaalaad: waxaa dhacdoyinka la xusi karo kamid ah xayiraad-dii ay dowladda Somalia saartay qaadki ka imaan jiray Kenya iyo shirkii IGAD ee ka dhacay magaalada Muqdisho ,kaasi oo marti-galintiisa ay lahayd dowladda Somalia.

Bishaa waxa kaloo dacwad maxkamad-da caalamiga ah ay uga furantay Somalia iyo Kenya ka dib muran muddo soo jiitamayay oo labada dhinac ka dhex-taagnaa. Dacwad-da labada dhinac oo dib loo dhigay ayaa Kenya ku khasabtay in gabi-ahaanba ay joojiso shidaal baaris ay ka wad-day dhul-biyood Somalia ay leedahay oo ay Kenya wax ka sheeganayso.

Bishii tobanaad/Oktoobar waxaa dagaal khasaare badan dhaliyay uu dhex-maray maamulada Puntland iyo Gal-Mudug ,kaasi oo ka dhashay khilaaf dhanka xadka ah ,waxaana dagaaladan lasheegay in ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 50 qof oo labada dhinac ah iyado tiro intaas ka badan-na ay ku barakaceen.

Sidoo kale Bishii Oktoobar waxaa koox daacad u ah ISIL ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Qandala oo ka tirsan gobolka Bari ,waxaana ay calanka kooxdaas sureen xarumihii dowladda ee magaalada ku yaalay ka hor intii aan dib looga qabsan.

Bishii Novembar ,waxaa maxkamad ku taala dalka Maraykanka ay 30 sano oo xabsi ah ay ku xukuntay Maxamed Faarax oo kamid ahaa dhalinyarada Minisota ka dib markii lagu soo eedeeyay in uu taageero u fidinayay kooxda Daacish oo ka dagaalanta bariga Dhexe.

Bishii dhamaatay ee Decembar oo ugu danbaysay sanadkii 2016-ka waxaa laga xusi karaa guushii ay Ilhaan Cumar ka gaartay doorashadii Maraykanka ka dhacday iyo in Somalia ay soo gaba-gabaysay doorashada xubnaha aqalka hoose iyo waliba xaalad-dii deg deg-ga ahayd ee lagu soo rogay Itoobiya ,taasi oo la filayo in ay dhamaato bisha April ee sanadkan cusub.

Bishii Decembar sidoo kale waxaa halkii ugu xumayd gaaray xiriirkii ka dhaxeeyay Maraykanka iyo Ruushka ka dib markii Madaxweyne Obama uu dalka Maraykanka ka eryay Diblumaasiyiin u dhashay Ruushka oo lagu eedeeyay in ay fara-galin ku sameeyeen doorashadii dhacday Bishii November.

Waxaa kaloo laga xusi karaa bishii ina dhaaftay in dalka Turkiga lagu dilay SAfiirkii Ruushka ee Istanbul ,waxaana Ruushku uu ka shakisan-yahay in mid kamid ah dowladaha ay xifaaltamaan in ay soo abaabushay dilkaas.


Faysal Mohamed Hassan
[email protected]