Axad, Janaayo, 01, 2017 (HOL) – Xildhibaannada baarlamaanka federaalka oo
maanta yeellanaya kulankoodii saddexaad kalfadhigoodii 1aad, ayaa lagu wadaa in
ay doortaan gudiyada doorashada guddoonka labada aqal.
Fadhigii maalintii shalay ayeey xildhibaannada ku ansixiyeen sharuudaha laga doonayo musharixiinta guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha.
Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore, ayaa ku wargaliyay xildhibaannada in maanta la soo dooran doono gudiyada doorashada guddoonka labada aqal oo maalintii shalay xildhibaannada waqti badan u heli waayeen in la magacaaabo.
Maanta ayuu qorshuhu yahay in xidhibaannada soo gabagabeeyaan doorashada guddiyadaas si loo guda-galo diyaarinta hanaankii ay ku dhici laheyd doorashada guddoonka labada aqal ilaa hortaanta bishan.
Ugu danbeyntii, xildhibaannada cusub waxaa hor yaalla howlo u baahan in si deg deg ah loo soo dhameystiro kuwaa oo marka dhinac laga eego miisaankooda leh.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]