Axad, Janaayo, 01, 2017 (HOL) –Inta la og-yahay 35 ruux ayaa ku dhimatay weerar ka dhacay baar
lagu caweeyo oo ku yaala magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, sida uu sheegay
gudoomiyaha magaalada Istanbul.
Wararku waxaa ay sheegayaan in dadka dhintay ka mid yihiin sarakiil ka tirsan ciidamada booliiska dalka Turkiga, waxaana weerarka lagu tilmaamay in uu ahaa mid argagixiso.
Sidoo kale ku dhawaad 40 ruux ayaa ku dhaawacantay weerarka ka dhacay Baarka Reina ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
“Weerar argagixiso oo loo adeegsaday hub culus, si wuxushnimo u dhacay ayuu ahaa, dadka waxba meysan haleyn waxay u dabaal dagayeen sanadka cusub” sidaasi waxaa warbaahinta goobta ugu sheegay Mr Vasip Sahin gudoomiyaha magaalada Istanbul.
Baarka ayaa ku yaala dhinaca Yurub ee magaalada Istanbul, maadaama magaalada Asia iyo Yurub u kala qeybsan tahay.
Goobta weerarka uu ka dhacay ayaa waxaa ku kulma dad badan oo kaliya Turki
aan u aheyn, maadaama uu ahaa baar weyn, waxaa tagi jiray dadka ajaaniibta
ah.
Ugu danbeyntii, waxaa socdo baaritaano laamaha amaanka ay sameynayaan oo ku aadan qaabka weerarka uu u dhacay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]