4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 13, 2017
Daawo Sawirro laga soo qaaday gaadiid dhawaan Al-shabaab ay ku gubeen dulleedka Beledweyne

 

Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) – Dhawaan ayeey aheyd markii xoogag ka tirsan Al-shabaab dab ku qabadsiiyeen deegaanka Maroodile ee hoostaga degmada Beledweyne Lix gaadiid kuwa Xamuulka qaado ah iyo badeecadii saarneyd intaba.

Gadiidka ayaa la sheegay ay ku sii jeedeen deegaanno ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool iyo dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxaana halka ku baaba’ay dhamaanba gadiidkii la gubay iyo dhamaanba badeecadii saarneyd.

Hadaba Sawirro laga soo qaaday gadiidka ayaa muujinaya sida ay u basbeelleen gaadiidka la gubay iyo dhamaanba wixii hanti ahaa ee saarnaa dushooda.

Halka hoose ka Daawo Sawirrada :


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]