4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 13, 2017
Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo maanta ka furmaya dalka Turkiga

 

Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) – Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta ka furmaya shirka ururka iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo (OIC), kaasi oo uu ku dhawaaqay 6-dii bishan Madaxweyne Recep Tayyip Erdogen.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dalalka ku mideysan Ururka Iskaashiga Islaamka ( OIC ), iyaga oo uga hadli doona xaalada magaalada Barakeysan ee Quddus.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Isniintii gelinkii dambe ka amba baxay Muqdisho ayaa Soomaaliya ku metelaya shirkan.

Shirkan ayaa si Gaar ah salka ugu haya arrimaha ka soo kordhay magaalada Barakeysan Al-Qudus iyo sidii dalalka Muslimka ah ay go’aan mideysan uga qaadan lahaayen arrinkan.

Go’aanka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Arbacadii ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Isra’iil waxaa uu kiciyey fal cellino caro leh oo ka yimid beesha caalamka iyo dunida Carabta kaasi oo lagu diidayo go’aankani.

Dowladda Soomaaliya, oo 8-dii bishan bayaan ka soo saartay tallaabada Mareykanka uu Magaalada Qudus ee dhulka Falastiiniyiinta ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay go’aanka xasaasiga ah ee uu qaatay Madaxweyne Donald Trump, waxayna ugu baaqday in uu ka fiirsado halista uu go’aankani ku yeelan karo mustaqbalka Bariga Dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]