3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 13, 2017
Soomalia oo dib u soo nooleyneysa dhaqanka iyo dalxiiska dalka


Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) – Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo ka qeybgalaya Shirweynaha 2aad ee Caalamka ee Dhaqanka & Dalxiiska oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adaha UNWTO iyo UNESCO oo lagu qabtay magaalada Masqad ee Saldanada Cumaan ayaa yiri Soomaaliya waxey soo nooleyneysaa Dhaqanka & Dalxiiska si dalka nabad iyo horumar loogu soo dabaalo.

In ka badan 800 ayaa shirkan ka soo qeybgashay iyagoo ka kala yimid 70 dal si ay uga qeybgalaan shirkan oo ka dhacayey caasimada Masqad ee dalka Saldanada Cumaan 11 – 12 December 2017. Shirkan ayaa waxaa furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Cumaan H.H. Sayyid Fahd bin Mahmoud al-Said, iyadoo Wasiirada Dalxiiska & Dhaqanka ay ka soo qeybgaleen. Ujeedada shirkan caalamiga ah ayaa ahaa sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga hay’adaha dalxiiska iyo kuwa Dhaqanka looguna diyaar garoobi lahaa Ajendaha Qaramada Midoobey ee 2030 ee ah gaarista horumar joogta ah.

Shirkan ayaa Wasiiradii ka soo qeybgalay waxay yeesheen kulan wadahadal iyadoo CNN ay u qeybineysay dooda oo diirada lagu saarayey doorka Dalxiiska ee uga aadan nabada iyo horumarka. Wasiirada Cambodia, Libya, Somalia, Iraq iyo Vietman ayaa wasiirada kale la wadaagay qorsheyaashooda soo nooleynta Dalxiiska si dalalkooda nabadeyntiisa iyo horumarka uga qeybqaataan.

Wasiir Eng. Yarisow oo ka warbixiyey istraatejiyada iyo qorshaha Soomaaliya ay dib ugu soo nooleyneyso Dhaqanka & Dalxiiska ayaa yiri "Somalia waxey dib u soo nooleyneysaa Dalxiiska & Dhaqanka si ay uga qeybqaataan soo celinta amniga, nabadeynta iyo horumarka dalka. Soomaalidu waa dad adkeysi badan isla markaasna ku fiican hal-abuurka ganacsiga, bacdamaa uu dalku nabad noqonayo waxaan abuureynaa aasaaskii lagu horumarin lahaa dhaqanka iyo dalxiiska si dhalinyaradu ay hab-abuurkooda uga faa’iideystaan taas oo rajo ku soo celineysa shacabka, isla markaasna horseedeysa shaqo abuur."

Xoghayaha Guud ee UNWTO Dr Taleb Rifai ayaa yiri "Sanadkii 2016 in ka badan 1.2 billion dad ah ayaa socdaalay. Marka la gaaro 2030 waxaan rajeyneynaa in dadka socdaaladaya ay kor u dhaafaan 1.8 billion. Dhaqaalaha Adduunka 10% ayaa Dalxiiska ka yimaada oo ay 10kii qofba uu hal qof ka shaqeeyo arrimaha dalxiiska. Dalxiise kasta waxuu fursad u abuuraa dhaqaalaha oo kobca, nabdeynta, is-fahamka bulshada, iyo in dadka magaalada iyo baadiyaha oo ka wada shaqeeya kor u qaadista Hiddahooda iyo Dhaqanka."

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxaan aaminsanahay in hadda la joogo waqtigii saxda ahaa ee Soomaaliya ay jiilka cusub u diyaarin laheyd siyaasadii, istraatejiyadii iyo qorsheyaashii dalxiiska dib loogu soo celin lahaa. Dalxiiska waa xaqiiqo jirta, caalamkana isagaa loo soo wadajeystay oo uu si xowli ah u socdaa. Dalxiiska waxuu shaqooyin u abuuraa dhalinyarada, waxuu kor u qaadaa dhaqaalaha.

Dowladda Federaalka waxey ku bixisaa juhdi fara badan si dalka uu u gaaro isku filnaasho buuxda.”

Wasiir ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in Soomaalidu ay leedahay Qurbo joog firfircoon oo buundo u noqon karta sidii loo dhiirigelin lahaa Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo haddii ay saaxiibadood ku qanciyaan inay dalka u soo dalxiis tagaan ayaa noqoneysa habka ugu habboon aan kor ugu qaadeyno hirgelinta dalxiiska iyo dhaqanka. Soomaalid waa dad jecel safarka tanoo u noqoneysa raasumaal uu dalku leeyahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
12/13/2017 2:47 PM EST
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) - Magaalada Istanbul ee Turkiga waxaa ka furmay shir madaxeedka waddamada Islaamka oo ay kaga hadlaan jawaabta ay ka bixinayaan go’aankii dhowaan madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu magaalada Jeresalem ugu aqoonsaday caasimaddda Israa’iil.

12/13/2017 9:53 AM EST
Arbaco, December,13,2017 (HOL)–Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo mudooyinkii ugu danbeeyay safarro kala duwan ku marayay qeybo ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo.

12/13/2017 9:43 AM EST
Arbaco, December,13,2017 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiran ayaa sheegya in diyaarado dagaal xalay duqeyn ka fuliyee saldhig Al-shabaab au ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Show.

12/13/2017 8:36 AM EST
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Cusub ee Somaliland ayaa sheegay in shantii Soomaaliyeed ay Soomaaliya oo kaliya ka maqnayd munaasibadda caleemo saarka, waxaanu taas ku sababeeyey in aanay Somaliland u aqoonsanayn qaran madax banaan.

12/13/2017 6:11 AM EST
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL)–Dhawaan ayeey aheyd markii xoogag ka tirsan Al-shabaab dab ku qabadsiiyeen deegaanka Maroodile ee hoostaga degmada Beledweyne Lix gaadiid kuwa Xamuulka qaado ah iyo badeecadii saarneyd intaba.

12/13/2017 5:43 AM EST
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL)–Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2018, kaddib markii dood adag ay ka yeesheen Miisaaniyadda oo ay horay u soo ansixiyeen Golaha Wasiirada.

12/13/2017 4:42 AM EST
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL)–Waxaa goor dhaw xarunta madaxtooyada Somaliand ku soo dhamaatay Munaasabad ballaaran oo ay xilalka kula kala wareegayeen madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo madaxweynaha cusub ee la doortay Muuse Biixi Cabdi.

12/13/2017 4:20 AM EST
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) –Maxamed Amin Baryare Cali oo ah orodyahan Soomaaliyeed oo da' yar ayaa ku guulaystay tartanka orod-dada dheer ee loo yaqaan "SEAA Inter County Cross Country Championships".kaasi oo 9-kii bishan aynu ku jirno lagu qabtay magaalada London ee Ingriiska.

12/13/2017 4:05 AM EST
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose aya sheegaya in Al-Shabaab ay deegaanka Kuunya Barrow ay gacanta uga jareen wiil 19-jir ah oo lagu soo eedeeyay inuu xaday lacag iyo agabyo kale.

12/13/2017 1:38 AM EST
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL)–Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ayaa maanta mar kale dood ka yeelanaya Miisaaniyada Dowladda ee 2018-ka.

12/13/2017 1:21 AM EST
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) – Taliska Ciidamada Mareykanka Africa ee (AFRICOM) ayaa war ka soo saaray duqayn xilli dambe oo habeen ka hor ka dhacday deegaanka Mubaarak oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

12/13/2017 1:11 AM EST
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) – Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta ka furmaya shirka ururka iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo (OIC), kaasi oo uu ku dhawaaqay 6-dii bishan Madaxweyne Recep Tayyip Erdogen.

12/13/2017 12:48 AM EST
Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) - Xarunta madaxtooyadda Somaliland waxan saakay loogu diyaar garoobayaa caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo sagootinka madaxweynihii hore Axmed Maxamed Siilaanyo.