4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 13, 2017
Diyaarado Duqeyn ka geystay deegaan hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan

 

Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegya in diyaarado dagaal xalay duqeyn ka fuliyeen saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Show.

Dad kala duwan oo ku sugan degmada Jalalaqsi oo Hiiraan Online xiriir la sameysay ayaa sheegay ka hor inta aysan maqlin jugta madafiicda diyaaraduhu ku tureen halkaa dhowr jeer oo hore maqleen guuxa diyaaradaha oo dul heehaabaya deegaanka.

Ilaa iyo hadda lama oga illaa iyo hadda khaasaraha ka dhashay duqeynta cusub ee la rumeysan yahay in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ka geysteen Gobolka Hiiraan.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayay warar sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan Saraakiil sar sare ay gaareen deegaano ka tirsan Gobolada Dhexe, iyagoo ka baxsanayay duqeymaha ka dhacayay Koofurta Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]