4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 13, 2017
Al-shabaab oo Nin dhalinyaro ah ku fuliyay xukun gacan goyn ah

 

Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose aya sheegaya in Al-Shabaab ay deegaanka Kuunya Barrow ay gacanta uga jareen wiil 19-jir ah oo lagu soo eedeeyay in uu xaday lacag iyo agabyo kale.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Maxkamadda Al-Shabaab ayaa xukun gacan goyn ah ku ridday C/fataax Cismaan Axmed oo lagu helay dambi ah in in uu xaday lacag dhan 5-kun oo dollar, Computero iyo agabyo kale.

Meel fagaaro ah ayaa la sheegay in gacanta midig looga jaray Ninka dhalinyarrada ah, iyadoo ay ka soo qeybgalleen dadweyne aad u badan oo dadka deegaanka ah.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore xukuno isugu jira gacan goyn, dilal iyo xabsi ku fulisay rag lagu soo eedeeyay dambiyo kala duwan, waxaana dadka xukunkada lagu fuliyo la sheegaa in aanay helin wax Qarreeno ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]