4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 13, 2017
Ururka Iskaashiga Islaamka oo sheegay in Quddus tahay caasimada Falastiin

 

Arbaco, December, 13, 2017 (HOL) - Magaalada Istanbul ee Turkiga waxaa ka furmay shir madaxeedka waddamada Islaamka oo ay kaga hadlaan jawaabta ay ka bixinayaan go’aankii dhowaan madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu magaalada Jeresalem ugu aqoonsaday caasimaddda Israa’iil.

Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan oo xilligan haya guddomiyennimada madaxda waddamada Islaamka ayaa cambaareeyey go’aankaasi, waxaana uu ugu baaqay Maraykanka in laga laabto.

Hadal uu ka jeediyay kullanka Ururka Iskaashiga Islaamka ayuu ku sheegay in go'aanka Mareykanka uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa'iil in uu yahay "waxba kama jiraan".

Madaxdii ka qeybgashay kulanka ayaa ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha dalka Mareykanka in uu ahaa mid aan marnaba faa’iido u laheyn nabada Bariga dhexe, iyaga oo intaa ku daray in go'aanka Trump uusan meelmar noqon karin.

Magaalada Qudus waxay xuddun u tahay dagaalka ka dhex taagan Falastiin iyo Israa'iil, waxaa ku yaalla goobo barakeysan oo ay aaminsan yihiin Muslimiinta, Masiixiyiinta iyo Yahuudda.

Shirka waxaa dhinaca Soomaaliya uga qeybgalay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]