
Jimco, August, 04, 2017 (HOL) –Koox hubeysan ayaa caawa xaafadda Carafaat ee degmadda Yaaqshiid ku dilay Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud, Maxamed Daahir Cali Cilmi iyo nin la dhashay oo magiciisa lagu sheegay Eng Xasan Nuur.
Guddoomiyaha ayaa la sheegay in howlo shaqo uu u joogay magaalladda Muqdishu, halka warar kalena ay sheegayaa in qof kamid ah ehelkiisa oo xanuunsan uu u yimid.
Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana ciidamada dowladda ay xaafadda ka bilaabeen howlgallo xooggan, balse ma jirto cid losoo qabtay dilka.
Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada dilka labada marxuum.
10-kii bishii Janaayo ee sanadkan 2017, ayaa madaxweynihii maamulka Galmudug Cabdi kariim Xuseen Guuleed, waxaa uu Guddoomiyiha Gobolka Galgaduud u magacaabay Maxamed Daahir Cali Cilmi, waxaana xiligaasi lagu bedelay Xuseen Wehliye Cirfo oo ahaa guddoomiyaha gobolka Galguduud.
Xildhibaanno ka tirsan maamulka Galmudug ayaa ka tacsiyadeeyay geerida labada marxuum, waxaana Alle ay uga baryeen in Janadii Fardowsa ka waraabiyo.
Dhinaca kale degmadda Dharkenleey ee Magaalladda Muqdisho, waxaa caawa lagu dilay Nabadoon lagu magacaabi jiray Geedi Maxamuud Axmed (Geedi Firdhiye) oo ka mid ahaa nabadoonada caanka ka ah degmada Dharkeynleey.
Nabadoonka ayaa la dilay isaga oo u socday masaajidka MUSCAD waqtigii salada cishaha, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka geysatay.

Sidoo kale caawa, ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay Qarax gaari oo ka dhacay waddada mashquulka badan ee Maka-Al-Mukaram ee magaallada Muqdisho.
Afhayeenka wasaaradda amniga ayaa sheegay in Qaraxaasi uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarax, sida uu hadalka u dhigay balse ma uusan sheegin khasaaraha ay ogyihiin ee ka dhashay Qaraxa.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa gaaray goobta Qaraxa uu ka dhacay, waxaana la xiray wadada, iyadoo ciidamada ay wadaan baaritaanka qaraxa dhacay.
Ciidamada xasilinta caasimadda ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday howlgallo xooggan oo amniga lagu xaqiijinayay, balse iyadoo howlgalladaasi ay jiraan ayaa mararka qaar waxaa dhaca Qaraxyo ay inta badan sheegtaan Al Shabaab.