Xisbiga WADANI oo ka cudur daartay dood toos ah oo lahaayeen xisbiyada

 

Jimco, August, 04, 2017 (HOL)- Saddexda musharax ee xisbiyadda Somaliland ayaa xalay lagu casuumay dood fagaare ah oo loogu qabtay hoolka weyn ee hoteel Guuleed ee magaaladda Hargeysa, inkastoo aanu ka soo qaybgalin musharaxa xisbiga WADDANI.

Guddida tacliinta sare ee Somaliland ayaa soo qabanqaabisay dooddan, waxaana iskugu yimid Jaamacadaha dalka, waxaana xidhiidhinayey Prof;Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah Madasha wadatashiga Somaliland oo ah madal ay ku bahoobeen siyaasiyiin badani.

Doodan waxa ka soo qaybgallay musharaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biiixi Cabdi iyo musharaxa xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, haseyeeshee Prof Cabdisalaan Yaasiin oo doodda xidhiidhinayey waxa uu sheegay in xisbiga WADDANI iyo musharaxiisu ka cudur daarteen inay ka soo qaybgalaan.

Doodan oo ahayd mid aad loo xiisaynayey,isla markaana ay ka soo qaybgaleen dadweyne aad u faro badan ayaa labaddan musharaxa ee ka soo qaybgalay lagu waydiiyey su’aalo badan oo la xidhiidha haddii ay madaxweyne noqdaan dhinacyadda ugu muhiim ee ay wax ka qaban karaan, sida la dagaalanka musuqmaasuqa, dawlad xumadda, kor u qaadka caafimaadka iyo wax barashadda.

 

Dhinaca kale, musharaxa xisbiga WADDANI C/raxmaan Cirro oo isagu ka soo qaybgalin dooddan ayaa sheegay in aanu ka war hayn,isla markaana aan lagu casuumin doodan.

“Doodaa cidi ugama soo wargalin, Cidina iguma casuumin, la’iimana soo sheegin, dadbaa isoo waydiiyey inay halkaa ka jirto doodi, Wasaarada Waxbarashaduna imay casuumin, madalina imay casuumin, qof ila soo hadlayna ma jiro, raga la yidhi meeshay ka hadleen oo way ka cudurdaarteen, maba cudur daaran waayo la iimaba sheegin”ayuu yidhi musharaxa Cirro oo ka jawaabayey inay ka cudur daarteen inay doodda ka soo qaybgalaan.

 

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.