Golaha Ammaanka ee QM oo cambaareeyay weerarkii lagu dilay 12 askari oo AMISOM ka tirsan

 
Jimco, Augusto, 04, 2017 (HOL) –Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe ayaa cambaareeyay weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen ciidamada AMISOM ee dhawaan ka dhacay tuulada Golweyn ee ku dhow deegaanka Buula-Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

AMISOM ayaa sheegtay in weerarkaasi looga dilay 12 askari ayna kaga dhaawacmeen 7 kale.

Golaha ammaanka ee QM waxa uu sheegay in argagixisadu waji kasta oo ay leedahay ay tahay halista ugu weyn ee heysata amaanka dunida, waxeyna hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in kuwa dambiyada gala, kuwa abaabula iyo kuwa dhaqaalaha ku bixiyaba la horgeeyo cadaaladda.

Ugu dambeyntii Golaha amaanka  waxay ku celceliyeen sida ay uga go’antahay taageerista nabadda xasiloonida, iyo horumarinta Soomaaliya.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa 1-dii bishan Augusto ka tacsiyeeyey askartii ku geeriyootay dagaalkii ka dhacay tuulada Golweyn.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Ciidanka AMISOM waxey ka yimaadeen dalalkooda si ay shacabka Soomaaliyeed uga difaacaan kooxaha argagaxisada ah oo caadeystay inay shacabka laayaan, isla markaasna doonaya in ay hor istaagaan horumarka ay dawladda iyo shacabku ku tallaabsadeen. Ciidanka AMISOM waxey diyaar u yihiin inay dhiiggooda u huraan wallaalahooda Soomaaliyeed, waana uga mahadcelineynaa sida geesinimada leh oo ay ugu soo gurmadeen dalkan.”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalalka Afrika ee ciidamadooda u soo direy Soomaaliya uga tacsiyeeyey, geerida ku timid, isagoo sheegay in huridda dhiigooda uu yahay mid shacabka Soomaaliyeed ay uga mahadcelinayaan. 

"Ciidamada AMISOM waxey wadanka u joogaan in dalku uu noqdo mid amni ah, iyadoo aan ognahay cidda diidan nabadda inay tahay kooxaha argagaxisada ah oo shacabka ka hortaagan inay nabad ku noolaadaan", ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay in weerarkii ka dhacay Golweyn ay ku dileen 39 askari oo ka tirsan AMISOM balse saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa beeniyay sheegashada Al Shabaab.

Kolonyada la weeraray ayaa ka koobnaa 24 gaari kuwaas oo sahay siday, sida saraakiil ay sheegeen.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia