Nabadoon Caan ah oo caawa lagu dilay degmada Dharkeynleey

Jimco, Augusto 04, 2017 (HOL) - Kooxo hubeysan ayaa caawa masaajid ku yaala degmada Dharkeynleey ku dilay Nabadoon Geedi Maxamuud Axmed (Geedi Firdhiye) oo ka mid ahaa nabadoonada caanka ah degmada Dharkeynleey.

Nabadoonka ayaa la dilay isaga oo u socday masaajidka MUSCAD waqtigii salaada cishaha.

Kooxihii dilkaa geystay ayaa la sheegay in ay halkaa isaga baxsadeen.

Nabadoon Geedi Firdhiyey ayaa wuxuu ka mia ahaa asaasayaashii deegaanka GARSBAALEEY.