Wararkii ugu danbeeyay deegaanka Leego oo ay la wareegeen Al-shabaab

 

Jimco, August, 04, 2017 (HOL) –Boqolaal dagaalyahanno ah oo ka tirsan Ururka Al-shabaab kuna hubeysan gadiidka dagaalka ayaa gudaha gallay deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha hoose wax yar uun kaddib markii ay halkaa isaga baxeen ciidamada AMISOM.

Leego oo 120km u jirta magaalada Muqdisho waxaa ay siweyn ugu dhawdahay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose waana deegaan Istiraatiji ah marka la eego isku xirka magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho .

Sanadihii ugu danbeeyay waxaa ay fariisin u aheyd ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi oo 26kii June ee sanadkii 2015-ka weerar dhiig badan uu ku daadday kala kulmay xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Qabsashada deegaanka Leego ee Al-shabaab ayaa u muuqata mid u sahli doonta kooxda in ay kala socdaan dhaq dhaqaaqa waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo oo mar marka qaar ciidamada iyo saraakiisha dowladda isaga gudbi jireen.

Mas'uuliyiinta maamulka Koonfur galbeed oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay in Al-shabaab mar kale la wareegaan deegaan sidaa oo kale muhiim u ah, iyaga oo intaa ku darray in marnaba saraakiisha dowladda iyo AMISOM ku soo warglin tallaabada ay qaadeen.

Guddoomiyihii deegaanka Leego iyo ilaaladiisa ayaa la sheegay in ay halkaa isaga tageen kaddib markii ay ka war helleen in ay ku soo fool leeyihiin Al-shabaab.

Inkastoo aan la ogeyn halka rasmiga ah oo ay tageen ciidamada ka guuray saldhigga haddana dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ay qabaan cabsi la xiriirta in lagu dul dagaalamo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]