
Jimco, August, 04, 2017 (HOL) –Qarax xoogan oo loo maleynayo in loo adeegsaday gaari ayaa goor dhaw ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo ahaa mid siweyn looga malqay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa la ogeyn wali halka rasmiga ah ee bartilmaameedkiisu u ahaa.
Ciidamada sugiyada nabad-galyada ayaa lagu arkayaa waddada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama iyaga oo mar marka qaarna rasaas riday.
Wixii warar ah ee ka soo kordha qaraxan waa idin soo gudbin doonnaa..
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]