Safiirka Jarmalka oo Madaxweynuhu uu Maanta ka Guddoomay Warqadihii Aqoonsiga (SAWIRO)


Arbaco, Feberaayo 03, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga danjirenimo kaga guddoomay danjiraha cusub ee Dalka Jarmalka, isla markaana wakiilka uga noqonaysa  Somalia, Jutta Gisela Frasch.

Danjire Frasch ayaa warqadaha aqoonsiga ka sokow, waxay Madaxweynaha soo gaarsiisay dhambaal ay kaga siday Ra’iisul Wasaaraha dalka, Jamarlka Angela D. Merkel.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isagoo Danjire Frasch uga waramey xaaladda dalka Soomaaliya iyo dhinacyada ay labada waddan ka iska kaashan karaan.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Danjiraha Jarmalka u sheegay in Somalia ay u furan tahay maalgashi si loo kobciyo dhaqaalaha dalka, dhanka kalena uu rabo in lasoo nooleeyo bar-naamijyadii Mihnadaha ee Jarmalka uu Somalia ka taageeri jiray si Fursado shaqo loogu abuuro dhalinyarada.

Danjire Frasch, ayaa iiyadana sheegtay in Somalia uu muhiim u yahay Caalamka, iyadoo sidoo kalena soo dhoweysey horumarka dhanka siyaasadda ee dhowaan Soomaaliya ay ku tallaabsatey markii la meel mariyay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta Sannadkaan 2016-ka.

Waxay Danjire Frasch sheegtay in Jarmalka gacan ka geysan doono taageerada dhismaha booliska, xarumo lagu Tababbaro Dhallinyarada dhaqan-celinta lagu sameynayo ee kasoo goosta Al-shabaab, iyo Hir-gelinta Adeegyada Aas-aasiga ee sahlaya dib u soo noqoshada qoxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha qaxootiga ee waddamada deriska ah.

Dhanka kale, Dowladda Jarmalka ayaa dib u fasaxayaa malaayiin Doollar oo horay loogu deeqay Soomaaliya burburka ka hor, lacagtaas oo haatan loo adeegsan doono horumarinta mashaariic kala duwan oo laga hirgelin doono gobollada Somalia.

Labada wadan ayaa sidoo kale ka wadahadley sidii la isaga kaashan lahaa adeegyada wax-barashada, caafimaadka, biyaha & kuwa kale aasaasiga u ah dib u soo kabashada Somalia.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in xiriirka is-kaashi ee Somalia kala dhexeeya waddanka Jarmalka uu gacan weyn ka geysan karo dib u dhiska waddanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya