Madaxweynaha DFS oo Muqdisho kula kulmay ku xigeenka Xoghayaha Guud ee QM (SAWIRRO)


Arbaco, Feberaayo 03, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Somalia kula kulmay, Ku-xigeenka Xog-hayaha Guud ee QM ee Arrimaha Siyaasadda, Jeffrey Feltman oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa danjiraha uga mahad-celiyay booqashada uu ku yimid dalka, taasoo uu ku tilmaamay inay muhiim u tahay Somalia oo qaadaysa tallaabooyin taariikhi ah oo isugu jira dhinacyada Siyaasadda iyo Dib u qaabeynta Mustaqbalka Dalka la xiriira.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xusay in Somalia ay si Tartiib-tariib ah u soo kabaneyso, taasoo uu sheegay inay ku timid Wada-shaqeyn iyo wada-xaajoodyo Muhiimka ah oo dhex-maraya Soomaalida.

“Wax badan ayaa noo Qabsoomay, wax baddana way noo dhiman yihiin. Waxaan Xoogga saarnay Saddex Arrimood oo Laf-dhabar u ah dib u dhiska Soomaaliya. kuwaas oo kala ah; Hannaan Siyaasadeed oo loo dhan yahay, Arrimaha Ammaanka oo Golaha Nabad-galyada Qaranka oo aan kusoo darnay maamullada dalka ka jira iyo qaybsiga kheyraadka. Dhanka kalena aad baan uga mahad-celinayaa Qaramada Midoobay oo door-weyn ku leh dib u soo kabashada dalkeenna, Anigoo rajeynaya inay sii wado taageerada ay inoo fidiso,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Somalia ayaa sidoo kale ka warbixiyay baahida loo qabo isku dubba-ridka iyo tayeynta hawl-gallada AMISOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxaha Argagixisada, sida Al-shabaab.

Danjire Feltman ayaa isagana dhankiisa ugu horreyn Madaxweynaha iyo Dowladda FS ku Amaanay go’aankii dhawaan ay qaateen ee Meel-marinta nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadkan, isagoo xusay inay talaabadaas taageereen, si weyna ay u soo dhoweeyeen Waddamada Gobolka, Caalamka iyo Qaramada Midoobay.



Waxaa, sidoo kale Madaxweynaha iyo Danjire Feltman ay ka wada-hadleen shirka ka dhici doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga dhamaadka bishan Feberaayo ee 2016-ka ee ay isugu imanayaan Soomaaliya iyo Waddamada Is-kaashiga la leh.

Arrimaha kale ee ay kawada hadleen waxaa ka mid ah kulan kale oo ka dhacaya magaalada Jabuuti oo ay isugu imaan doonaan Madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia iyo sidii dhallinyarada Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa xarumo ay ku bartaan mihnadaha kala duwan, loona heli lahaa Maal-gashiyo u sahli kara fursado shaqo.

Danjire Feltman ayaa mar kale xusay inay QM si buuxda u taageereyso Somalia, Wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan dib u soo kabashada dalkooda, kana faa’iideystaan kaalmada Beesha Caalamka. Iyadoo Kulankan waxaa Goob-joog ka ahaa Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Somalia & Qaramada Midoobay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya