Mas’uuliyiinta Kenya oo hor-istaagay Cunno Gar-gaar ah oo Hay'adda WFP ay u waday Soomaaliya


Arbaco, Feberaayo 03, 2016 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa Saddex gaari oo cunno gar-gaar ah oo Hay’adda WFP ay lahayd ku haya Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya, iyagoo tuhun ka qaba in cunnadaas ay u gacan-geli karto Al-shabaab, sida uu Sarkaal sare oo ka tirsan Xukuumadda Kenya u sheegay Warbaahinta.

Hay’ada WFP ayaa waxay sheegtay in gaadiidkan ay mas’uuliyiinta dalka Kenya haystaan ay dhammaantood sitaan warqadihii u fasaxayay inay cunada qaadaan, isla markaana ay si dhaw ula socon doonto Arrintaas, si loo xaqiijiyo in Cunnada ay gaarto Halkii loogu Talo-galay inay gaarto.

Xiriiriyaha Amniga ee Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Maxamuud Saalax ayaa Sheegay in Gaadiidka xamuulka sida lagu hayo degmada Mandheera, iyada oo Hay’adda WFP laga sugayo inay xaqiijiso in cunada aysan u gacan geli doonin Ururka Al-shabaab ee Somalia.

“Waxaanu ka shaki qabnaa halka cunada ay u socoto, sababta oo ah markii ugu dambeysay ee Cunno ay ka Gudubto Xadka, Waxay ku Dhammaatay Gacmaha Al-shabaab,” ayuu yiri Maxamuud Saalax oo la hadlayay Warbaahinta.

Sidoo kale, Afhayeennada Gobolka ee Hay’adda WFP, Challiss McDonough oo ku sugan Nairobi ayaa waxay sheegtay inay mas’uuliyiinta Kenya kala shaqeynayaan in la xaliyo is-faham-waagan cusub ee soo kordhay.

McDonough ayaa xustay in WFP ay xaqiijinayso in cunnada ay ku dhacdo kaliya Gacmaha dadka dhiban ee u baahan. Al-shabaab ayaa deegaannada ay ka taliso ka mamnuucday inay ka hawl-gasho hay’adda WFP, Sannadkii 2010-kii.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ay qaateen mas’uuliyiinta Kenya ayaa kusoo beegmaysaa xilli Bishii hore ay Al-shabaab Askar badan oo Keenyaan ah ku dishay weerar ay bishii hore ku qaadday saldhig ay ku lahaayeen Ceel-cadde.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya